Deeq A. Posted June 23, 2021 Xeer Lambar 12 wuxuu ka kooban yahay 22 qodob iyo hal lifaaq, kolka se laga hadlayo xeerkan; waxaa la soo qaataa kaliya qodobka 14aad, faqraddiisa koowaad. Kolkaas ayaa ra’yi badan lagu dul dhisaa. Xog run ah haddiiba badhna lagaa qariyo, badhna laguu sheego; xogtaas laf ahaanteedu waxay yeelanaysaa macne ka duwan teedii asalka ahayd – waa isla farsamaday adeegsadeen dadkan xeerkan ka hadlaa, si ugu ambiyaan ra’yul caamka u nugul in la ambiyo. Muxuu ahaa 10% la siiyay Wajaale iyo Berbera? Markii la mideeyay nidaamka cashuuraha, waxaa la sameeyay laba Kastam, iyadoo degmooyinka ay ku yaallaanna loo jaray cashuur 10% ah. Degmooyinkii hore u lahaan jiray kastammada, iyagana waxaa la siiyay magdhow loogu yeedhay ‘Kabka’. Degmo walba waxa la siiyay kab u dhigma celceliska oddoroska wixii ka soo geli jiray kastamkeeda. Kabkaas oo dawladda dhexe ka imayaa wuxuu kala yahay sidan: Hargeysa: 51.26% Burco: 21.39% Boorama: 9.86% Gabiley: 9.87% Sheekh: 3.75% Saylac: 2.18% Baki: 1.69% Burco oo hesha 21.39% kab ah, dadka xeerkan falanqeeyaa waxay u ekaysiiyeen degmo in wax laga qaado mooyee aan waxba lagu soo celin – waana isla sida ay dad badan oo caammo ahi u fahansan yihiin maanta. Weydiintu waxay tahay: Waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya 10% iyo horumar la’aanta degmooyinka kale? Haddiiba se la joojiyo siduu u horumarinayaa degmooyinka kale? Magaalada Berbera oo ka mid ah labada degmo ee kastamkooda ka hela 10% laga jaray cashuurta guud ee ka soo xeroota, dabcan waa dekadda kaliya ee Somaliland oo idil wax uga soo degaan, waxaana saaran culays aan saarnayn gobollada kale oo dhan. Tusaale yar iga hoo. Cimriga laamigu wuxuu ku xidhan yahay laba arrimood: tirada baabuurta marta laamigaas iyo culayska rarka ay sidaan baabuurtaasi. Aynu soo qaadanno laba Laami oo X iyo Y la kala yidhaahdo. Haddiiba ay laamiga X maraan 10 gaadhi oo xammuul ah oo rarkoodu yahay min shan ton, way ka cimri gaabanaysaa laamiga Y oo ay maraan 10 xaajiyadood oo min hal tan ahi. Ku darsoo, cimriga laamiyadaasi wuu sii gaabanayaa haddii baabuurtaas tobanka ah ay tiradoodi korodho oo ay noqdaan 30 baabuur. Dekadda awgeed, degmada Berbera waxa isugu yimaadda baabuur ka kala timid lixda gobol ee Somaliland, mana jirto degmo kale oo la qabta culayska baaxaddaas leh – macnaheedu waa in waddooyinka Berbera ay hal mar ku kulmayaan baabuur tiro ahaanna badan, rar ahaanna culusi; sababtaas awgeedna ay cimriga laamiyadeedu soo gaabanayo. Laamiyadaasi waxay u baahanayaan dayactir joogto ah oo dabcan aanay kaafin karayn cashuurta ay bixiyaan dadka reer Berberi, maadaama oo uu ku dhacayo culays ka badan kii degmadu ay lahayd oo ka imanaya gobolladu – dayactirkooduna reer Berbera oo kaliya dan uma aha, wuxuu u danaynayaa idil ahaan lixda gobol ee dalka. Sida ku qoran Xeer Lr. 23, qodobkiisa 40aad, faqradda 13aad – Maayarka waa guddoomiyaha Hayadaha ilaalinta nabadgelyada degmada. Dawladda Hoosee Berbera iyadoo kharash faro badani kaga baxayo dayactirka laamiyada, waxaa u dheer inay ilaaliso nabadgelyada. Berberana waxaa taalla hantidii reer Somaliland oo dhan – xiitaa tii dalalka jaarka ah, nabadgalyadeeduna waxay saaran tahay Dawladda Hoose. Ilaalinta nabadgelyada, kharash intee le’eg baa ku baxaya? Ka warran hadday budhcadnimo ka bilaabanto Berbera? Ma cid baa wax kala soo degaysa? Saw Somaliland oo dhan dhuun uma aha! Magaalada Berbera waxaa ku yaalla haamaha kaydka shidaalka, ka warrama hadday gubtaan? Deb-damis awooddiisu intee le’eg tahay ayay u baahanayaan? Ka warrama hadduu dab ka kaco dekadda oo ay taallo hanti tira-beel ahi? Ka warrama hadduu markab shidaal gubto? Mar kale Dowladda Hoose ee Berbera waxaa ku waajib ah inay dhisto dab-demis awood badan leh oo wakhtiga ugu kooban ku bedbaadinna kara hantida badan ee Berbera taalla. Waxaa kaloo intaas u dheer, qashinka xad-dhaafka ah ee ay la imanayaan baabuurta gobollada kale, iyo waliba shilalka oo badan – waayo, degmooyinku waxay u kala shilal badan yihiin siday u kala baabuur badan yihiin. Si markaas Berberi u noqoto magaalo la tartanta dekadaha kalee innagu dhawdhaw, waa inay yeelataa caafimaad tayo leh, waddooyin fiican, amni buuxa, deb-damis awood leh iyo adeegyo inoo soo jiidi kara inay innagu soo xidhmaan dalalka jaarku. Markay sidaas tahay, 10% muxuu ka noqonayaa culayska laamiyada, ka nabadgelyada, maaraynta qashinka aan degmada ka iman, gubashada ay u nugushahay dekaddu, shilalka badan iyo tayaynta caafimaadka? Berberi miyaanay ku dulmanayn 10%? Wajaale iyana waa la mid. Waxay afaaf u tahay boqol milyan oo aan dekad lahayn, ugu yaraanna 30 Milyan oo ka mida ayaa toos ugu xidhan Wajaale. Dhan walba waxaa saaran culays la mid ah ka Berbera saaran – waxaana u dheer baabuurta qaadka ah, ee lagu qiyaasay in lixdii saacadoodba ay 450 gaadhi oo qaad ahi soo galaan magaaladaas. Sida loo dhigay, laguma qasbin inay baabuurtaasi Wajaale soo maraan; waxay se ku doorteen laamiga dhisan ee sida tooska ah isugu xidha Wajaale ilaa Jigjiga. Waa run oo 10% wuxuu ka yimaaddaa cashuur laga qaado dalkoo dhan oo ma aha waxsoosaar u gaar ah degmoooyinkan; laakiin dalkoo dhani labadan degmo lama qabo culayska noocan ah ee saaran – waa sababta loo siiyay 10%. Haddiiba la leeyahay 10% ha laga qaado, waa sax e gobolladuna culayskooda ha la noqdaan. Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites