Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii hore ee Gedo oo shaaciyey inuu Muqdisho ugu xiran yahay hay’ada NISA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdsho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji (Macalimu) oo war qoraal ah soo saaray ayaa shaaciyey inuu ku xayiran yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo baaq u diray ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Macalimu ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda NISA ay ka dambeeyaan xayiraadiisa, isla-markaana laga hor istaagay inuu aado gobolka Gedo iyo qoyskiisa.

“Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul heer Jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan  ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA,” ayuu yiri guddoomiyihii ee maamulka gobolka Gedo.

Cismaan Nuux Xaaji ayaa xusay in tani ay muujineyso in amniga dalka aan si sax ah loogu wareejin ra’iisul wasaaraha, taasina ay beenowday, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalku wuxuu galay jawi doorasho, waxaana Madaxwayne Farmaajo uu masuuliyadii nabadgalyada iyo doorashada gacanta u galiyay Raysalwasaare Rooble, balse waxaa muuqata in taasi ay beenowday oo amni la wareejiyay aysan jirin. Sababtoo ah waxaa jira dhibaato xoogan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo,”.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray Ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo ka dalbaday inuu guddi gaar ah u xil-saaro dhibaato uu sheegay inay ka jirto garoonka Aadan Cadde, taas oo lagu hayo mas’uuliyiinta Gedo, xildhibaanada iyo sidoo kale Senatorada kasoo jeeda gobolkaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

FARIIN KU SOCOTO XAFIISKA RW ROOBLE

Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan gaar ahaan shacabka Jubaland waxaan u rajaynayaa guul barwaaqo, nabad midnimo iyo dooraaho xor ah.

Waxaan ka tacsiyaynayaa dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan shacabka Gedo iyo Soomaalida ku sugan Nayroobi oo ay u dambaysay dilal qorshaysan iyo qafaalashada dad shacab u badan, kenya ha ogaato in Soomaali tashan doonto oo iska caabin doonto gardaradooda haddii aysan joojin. Looma dulqaadan karo xasuuqooda, aduunkiina waa ka aamusay.

Dalku wuxuu galay jawi doorasho, waxaana Madaxwayne Farmaajo uu masuuliyadii nabadgalyada iyo doorashada gacanta u galiyay Raysalwasaare Rooble, balse waxaa muuqata in taasi ay beenowday oo amni la wareejiyay aysan jirin. Sababtoo ah waxaa jira dhibaato xoogan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo, sida Xildhibaanada, Saraakiisha, Wariyaasha, Odoyaasha dhaqanka iyo cid kasta oo rabta inay ka dhoofto garoonka aadan cade oo u socota gobolka gedo.

Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul heer jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan  ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA.

BAAQ = RW ROOBLE waxaan ugu baaqayaa in uu guddi baara u saaro dhibaatada garoonka Aadan Cade ay ka wado hayada NISA ee lagu dhibaataynayo waxgaradka iyo siyaasiyiinta jubaland ee gobolka Gedo kasoo jeeda.

Sidee garbahaaray doorasho uga dhici kartaa iyadoo aan laga dhoofi karin garoonka aadan cade ? Yaa masuul ka ah amniga dalka ? Gedo soo dalka la wareejiyay amnigiisa kama mid ahan ? Ma Raysalwasaare Rooble baa amniga dalka masuul ka ah ? Mise Cabdulahi Kulane ?

Jawaab baan ka rabaa xafiiska pm Rooble. Waxaana bixin doonaa waraysiyo dheeraad ah iyo macluumaad dherraad ah oo aan saxaafada la wadaagi doono maalmaha soo socda insha allah.

The post Guddoomiyihii hore ee Gedo oo shaaciyey inuu Muqdisho ugu xiran yahay hay’ada NISA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this