Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ku saabsan Doorashooyinka oo Muqdisho uga furmaya Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   
Wararkii ugu dambeeyey shirka wadatashiga qaran ee Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka, oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa la filayaa in ay bilowga todobaadka soo socda shir ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

Dhinacyada oo xalay wada-hadal Khadka Zoom-ka ku yeeshay, ayaa isku raacay in Sabtida todobaadka soo socda ay shir isu’gu yimaadaan magaalada Muqdisho, si loo dardar geliyo Hawlaha Doorashooyinka.

Guddiga Farsamada oo uu magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay hor-tagan shirka, islamarkaana ka jeediyaan Qorshayaasha Arrimaha Doorashooyinka ee soo socda.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaaruhu magacaabi doono Guddiga  Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo oo ka kooban heer Dowlad Goboleed kaas oo aysan ku jirin Jubaland.

PUNTLAND POST

The post Shir ku saabsan Doorashooyinka oo Muqdisho uga furmaya Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this