Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Cadaalada Puntland “ Culumadu Dugsiyada iyo Masaajidyada ha ku ekaadeen’’

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Cadaalada iyo Diinta ee Puntland Cawil Sheikh Xaamuud ayaa Fariin Adag u diray Culumada Puntland iyo waliba kuwa Soomaaliya.

Wasiir Xaamuud wuxuu sheegey in Puntland aysan ka dhacayn Xukuumad ka Gees furan Xukuumada, “Culumada Waxaan ugu baaqayaa in Dalkaan aysan ka jiri karin Xukuumad ka Gees furan Xukuumad, Sacuudiga halkaan ma ahan, Wax walba Xukuumada ka masuula, Culumada boos ugama banaanna” ayuu yiri Wasiir Xaamuud .

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya kadib markii Culumo badan ay dhaliileen hadal uu jeediyey Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay Xaqiiqda Gabdhaha Caruurta ah, iyadoo hada la ogaadey in Culumadaas qaarkood ay haystaan Gabdho qaab gaar ah oo aan la kulmin waxyaabaha uu Madaxweyne Deni ka digayo.Culamadaasoo ku andocoonaya in gabdhaha lagu sameeyo falal aysan iyagun ku sameyn gabdhohooda.

Puntlandi.com Garowe

CEAAE11A-0C29-4FC3-939E-35BB886E5F60-690

The post Wasiirka Cadaalada Puntland “ Culumadu Dugsiyada iyo Masaajidyada ha ku ekaadeen’’ appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this