Sign in to follow this  
Aaliyyah

must see

Recommended Posts

Aaliyyah   

Duflaal Caashaq waa Gabay kusocda Haweenka Soomaaliyeed loogana digayo Shabeel Naagoodka iyo hagar daamadooda (Talo iyo Tusaale)

 

Duflaal Caashaq waa gabi Cusub uu tiriyay abwaan da'yar oo lagu magacaabo Cabdi Wahaab Shiiq Axmad nuur abwaanka ayana sheegay in uu alifay gabaygan kadib markii uu arkay sida loga been sheegayo jaceylka looguna xad gudbaayo gabdhaha Soomaaliyeed .

 

Gabayga Duflaal caashaq ayaana waxa uu kahadlayaa hagar daama ay gabdhah da'yarta Soomaaliyeed kusameeyaan raga Gododlayaasha ama shabeel naagoodka ah inta gabdhaha been usheegaan mustaqbalkooda uga ciyaaraan kadibna ay cagta saar wada hadal ugu soo koobaan.

 

sida aad magaca gabayga idinkaga muuqanayo magaciisa waxa uu kahadlayaa raga duuflaalada ee mana xayaasha ah ama ku dhaqma dhaqanka duuflaalada ee dumarka khiyaameeya ee gabadh maskiina xuumaan oodhan ka nasahan inta

uu god u qoda dabadeedna ceelasha ceebta ka waraabiya ama ku ciyaara gabar nimadeeda dila sharafteeda iyo karaamadeeda .

dabcan gabaygaan waxuu digniin uyahay dumarka aanan war kahayn raga usoo fooftagay ee doonaya inay jilaabtaan gabdhaha yar yar.

 

hadaba waa kan gabaygii ee sidagan u aqriso dareena dulucda iyo ujeedka gabyaga

 

Dadka qaar waxaajira

kuwa caqliga ka damanoo

daafuloo wada falan

dadka waxii dhibaaya iyo

dibindaabyo iyo hoog kashaqeeyo

waxii dumi kuna diirsanayoo

doonaya arinkaas

dadka waxay u necebyiin

qofkan dulmi samayne

daahira naftiise.

dadkana kadhowrsada

dadka waxay u jecelyiin

duuflaalka waashee

naftiisa dilayee

daroogada un cantuugee

cirbadaha isku duraayee

sanka qiiq ka daayee

dooriyay naftiisee

daaliyo haraadiyo

diiftu ayka muuqato

duligana mooda-farxad inuu,yahay.-

 

dadka waxay dhawaystaan

midka dira diraalaha

umada isku diraaye

cuqdad iyo cadaawiyo

hurinaayo colaadaha

cunsiriyada baahiya

salaadana aan daa,imin

diidan cibaadada

waa duul waxuushoo

farxada kanaxaayoo

naxdinta ku farxaayoo

doonaynin darajaba

si'aysan idin dilin

aan idinka digo dadwaynoow

dadku waa badoo kale

isku darajana mawada ah

kuwa aan uduurxuli

waa qaybta dumarka ah

 

hadii aad adigu dagantahay

dun xariira aatahay

dab habeen lashiday iyo

dahab dhalaalaya aad tahay

duul waxuusha baa jira

kugu soo didaayoo

doonaya naftaadee

doomay wataanoo .

dabinay dhigtaan

bada caashaqa

baa laguugu soo dabi

durbaanaa laguu tumi

hadal labada daaniyo

dibnaha andhaafayn

ayaa laguugu duurxuli

dhambaal waxuu kuugu soo diri

duniyaay macaaney

dadka adaan ku jeceloo

kuma dayn karayee

maad ila dareentid caashaqa

gabadh kaleba daayee

duul kale kajeestaye

miyaadan dareemayn

caashaqan idaahshaday

kolkaad daba nashlaysee

naftaada udaysee

dareen siiso caashaqa

dareenyay asaguna

inuu qalbigaaga-soo dumay

 

dulinimo idilkeed

agar daamaduu waday

rabid baad udabaalatay

dahabkaagina la furfuray

dabadeedna kula yaab

sida aarku kuu dilay

dareentay adiguna

inaan guur ladoonayn

guhaadiyo caloolxumo

noqotay gurigii murugada

hadaan diin iyo

imaan diiran kugu jirin

dilida naftaadana

doon doontay dhowr jeer

jirkaa ku dubaaxini

ku dam qaaya waligiis

 

ceel duntiisa hoosiyo

dabadiisu dheertahay

xarig duntiisu adagtahay

lugahuu kaa dabrayaa

kaa didi sidii bahal

alaahii aduunyada abuuree

arladaana fidiyee

xidigaha dusheeniyo

daruuraha ordaayiyo

dabaylaha isadaba mara

dayaxaa cadaanka ah

samada inagu daday

ayaa ah inaan adeecnaa

rasuulkii udgoonaa csw

inuu yahay nabi alaah dhahirayoo

usoo diray aduunyadan

asagana waa inaan adeecnaa

 

duuflaal caashaqa waa

ma danqade xanuun qaba

waa dacuun sarwaal qaba

laabtiisa waxay doonta mooyee

doonaynin wax kale

doonistiisa waxaytahay

sharaftaada inuu dilo

kaa dhigo dugaag iyo

dayro lasoo nacay

dabadeedna kugu qosla

 

dacaayado waxuu fidin

damiin inaatahay

jirkeeda dayacdoo

cidwalbaba u daakhisho

damaceeduna uuyahay

raga inay durdurtaan

dugaafad meel cidla taal taal

cudurada dilaagana

jirkeeda ku duugmeen

qofkii kufiirshana maleeyo

inay,duumo kuhaysaba

duflaal caashaq wiilkii fushay

dantuu rabay dabadeedna

kaa taga dib dambana aan kuu arag

gabadh walbay isdaba qabo

caano daatay daba qabasho lama huro

 

Intaasina waxaa ku idil gabaygii qiimaha badnaa dumarkana ugu filan tusaale iyo talo digniina ay daba taal hadaba dumarow abwaan baa horay uyiri areen Caashaq waa sahal adigoon dareen qabin durba kugu abuurmee hadaba iska jirin dareenka beenta ah ee lagu doonayo in adiga lagugu dilo sharaftaadana meel looga dhaco .

 

Hadaba waxii talo iyo tusaale ah noogu soo hagaaji ciwanada hoos kuxusan ee kala ah ciwanka abwaanak iyo kan qoraha hadii aad tahay gabar Soomaliyeed markad aqrisay gabayga maxuu darankaga kabadalay ?

 

gedo_109@hotmail.com

 

Gacal Xuseen Gacal Ayman Cade

Agaasimaha Dayniile.com K/Afrika

aymancadde@hotmail.com

Tell.+27787333370

 

 

Kaafi carab

Dayniile news online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this