Deeq A. Posted June 19, 2021 Burcad hubeysan oo u dhashay waddanka Koonfur Afrika, ayaa xalay degaan ka tirsan Gobolka Limpopo ee dalkaas ku dilay muwaadin Soomaaliyeed, sida laga soo xigtay Booliiska. Marxuum Maxamed Cali Jimcaale, ayaa Burcadda hubaysan ku dileen goob ganacsi oo uu ku-lahaa Siloam, oo ka tirsan Gobolka Limpopo ee waddanka Koonfur Afrika. Kooxdii dilka u gaystay muwaaddinka Soomaaliyeed, ayaa markiiba goobta isaga baxsaday, waxaana halkaas hawlgal ka bilaabay Booliiska dowladda Koonfur Afrika. Booliiska ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan dhacdadan, islamarkaana dib ka shaacin doonaan natiijada ka soo baxda baaritaankooda. PUNTLAND POST The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites