Sign in to follow this  
Deeq A.

  Golaha Degaanka Hargeysa oo la ansixiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

  Golaha Degaanka Hargeysa oo la ansixiyey

Golaha-Degaanka-Degmada-Hargeysa.jpg?res

 

 

Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa maanta si rasmiya u ansixisay natiijada guddida doorashooyinka ee golaha degaanka ee degmada Hargeysa, waxaana ansixinta maxkamadda goob joog ka ahaa masuuliyiinta gobolka Marooijeex, saraakiil ka socday saddexda xisbi Qaran, taliyaha ciidanka booliska ee Somaliland, iyo mudanayaasha golaha degaanka ee la doortay.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex Cabdi Qawdhan Cabdi, oo fadhiga maxkamadda furay waxaa uu sheegay in aanay jirin wax dacwad doorasho ah oo soo gaadhay maxkamadda gobolka isla markaana waafaqsan sharciga.

Sidoo kale guddoomiyuhu waxaa uu si rasmiya ugu dhawaaqay ansixinta natiijada hor dhaca ahayd ee guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, u soo gudbiyeen maxkamadda, iyada maxkmadduna mid mid u dhaarisay toddoba iyo tobanka xubnood ee noqonaya golaha degaanka ee degmada Hargeysa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this