Cowke Posted June 28, 2010 UURILE:-XAFLADII QALIN-JEBINTA ARDAYDA MAAKHIR EE DALKA HINDIYA IYO WACDARIHII HABEENKAASI [+SAWIRO] Xafladan ayaa si wanaagsan loo soo agaasimay taasoo ahayd xafladii ugu horeysay ee ay qabsadaan ardayda Reer Maakhir ee wax ka barta dalka India ayaa waxay ka dhacday magalada Hyderabad ee dalka India. Xafladan Qalin jebinta Ardayda Reer Maakhir Ayaa waxaa barbar socday Xaflad kale oo iyana lagu xusayey 26-ka June oo ah maalinta Gobolada Waqooyi laga taagay calanka soomaaliya oo ay ka soo wareegtay 50 sano maalintaas oo Gobolada Waqooyi ee dalka soomaaliya ay ka bexeen gumaysigii Ingriiska sanadkii 1960. Waxayna Ahayd Xafladani mid kulmisay dhamaan shacab weynaha soomaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Hydabad iyo Dalada Ardayda Ajaanibta ah , Maadaama La Xusaayey Maalintii 26-ka June oo ah Maalintii dhul soomaaliyeed laga taago calan xor ah. Waxaana xafladan soo agaasimay URURKA ARDAYDA REER MAAKHIR ee Magalada Hyderabad. Xafladan oo ahayd xaflad aad u heersaraysay ayaa waxaa xusid mudan in ay ka ka Qalin jabinyeen Arday kor u dhaafaysa 30 oo isugu jira Rag iyo Dumar , Taasoo ah tiradii ugu badnayd ee ka qalin jabisa jamacadaha India inta taariikhda lagu xasuusto. Iyo arday-da aan qalin jabin ee kaso qeyb gashay xafladan oo tiradoodu kor udhafayay 200 arday oo ka kala yimid dhamaan gobolada dalka India. Xafladan waxa kasoo qeyb galay marti sharaf magac iyo samcad kuleh dalka India, marti sharaftan ayaa waxay ka jeediyeen xaflada hadalo ku beeray arday-da reer Maakhir qiiro kuwaas oo dhamaantood ku boorinayay ardayda inay horumariyan dalkooda marti sharafta ayaa waxay kala ahaayeen, maamulayaasha labada jaamacadood ee ay soomaalidu u badan tahay kuwaas oo kala ah (Osmania University iyo JNTU) halkaasna ka jeediyey hadalo isugu jira waano iyo dardaaran,. Eng. Axmed Naaji oo ahaa xadhiidhyaha xafladaas qaybta English-ka ayaa hadal furitan ah oo isugu jiray gabayo, Qisooyin ku saabsan waxbarashada halkaas ka soo jeediyey isagoo guubaabo iyo dardaaranba ugu daray Dhamaan ardaydii ka qalin jabisay jaamacadaha iyo kuwii kale ee xafladaasi ka soo qaybgalay. Eng. Maxamed Cali Salaad (Ilkajiir) ayaa isna daadihinaayey xafladda qalin jabinta sidoo kalena ereyo baraarujin ah u soo jeediyey ardaydii qalin-jebinaysey kulana dardaarmay in ay dadkooda iyo dalkoodaba wax u qabtaan. Waxaa furay xaflada Gudoomiyaha Arday reer Maakhir Siciid Cabdi Cabdale oo ka hadlay muhiimada waxbarashada kuna booriyey ardayda qalin jebisey in ay sii wadaan dadaalkooda, sidoo kalena ka hadlay xuska 26-june , Sidoo kale waxaa ka hadlay Cumar Badmaax oo ah Gudoomiye ku xigeenka Ardayda reer Maakhir oo isna halkaas ka soo jeediyey hadal aad loola khushucay. Waxaa xaflada lagu soo bandhigay film gaaban oo laga dheehanayey muuqaalada magalooyinka Maakhir oo uu soo diyaariyey Isxal, sidoo kale waxaa xaflada buraanbur ka akhriday Hibaaq, buraanburkaas oo ahaa mid aad loola dhacay kana hadlaaye Maakhir iyo weliba muhiimada waxbarashada. Gebagebadii ayaa xafladu waxay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan iyada oo dadkii ka soo qayb galay wejiyadooda la dheehan karayey farxad. Quote Share this post Link to post Share on other sites