Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Rooble iyo madax goboleedyada oo ku wajahan Kismaayo + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo ra’iisul wasaare Rooble ay isugu tegi doonaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoos.

Halkaas maalmaha soo socda waxaa lagu qaban doonaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana shirkaas marti geli doonta Jubbaland.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirka ay Kismaayo ku yeela doonaan waxaa looga hadli doonaa dardar gelinta doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa shirkaas lagu qiimeyn doonaa waxyaabihii ka qabsoomay heshiiskii lagu kala saxiixday magalaada Muqdisho 27-kii bishii May.

Illaa hadda waxaa ka hir-galay heshiiskaas in guddiyada doorashooyinka laga reebay qaar ka mid ah xubnihii laga cabanayey ee la tilmaamay inay ka tirsan yihiin shaqaalaha dowladda iyo ciidamada qaranka, inkastoo ay weli aysan tallaabadaas ku qancin musharaxiinta qaar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa tan iyo markii lasoo magacaabay safarro ku tegay dhammaan xarumaha dowlad goboleedyada dalka, markii laga reebo magaalada Kismaayo oo haatan la sheegay inuu ku wajahan yahay, isla markaana uu halkaas ku shir guddoomi doono shirka Golaha Watashiga Qaran.

The post Xog: Rooble iyo madax goboleedyada oo ku wajahan Kismaayo + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this