Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhibaatooyinka gudniinka fircooniga

Recommended Posts

Deeq A.   

DHIBAATOOYINKA DHAQANKA GUDNIINKA FIRCOONIGA

Dhaqanka Gudniinka Fircooniga waa dhaqan fool xun oo arxan daran kaas oo sida caadada ah lagu sameeyo gabdhaha yar-yar ee da’doodu u dhaxayso 5, 10 ilaa 12 sano waxaana sida qaalibka ah lagu sameeyaa makiinad ama mindi iyada oo aan la adeegsan wax xanuun bi’iye ah.

Dhaqankan foosha xun waxaa uu ka soo horjeedaa Diinta Islaamka sababta oo ah waxaa uu dhibaato weyn oo la xidhiidha nolosha iyo caafimaadka u geystaa gabdhaha. Culimada waaweyn ee Islaamka Sunniga ah waxay isku raaceen in dhaqankanu yahay xaaraan maadaama dembiweyn iyo jariimad laga galo gabdhaha. Gudniinkan waxaa lagu curyaamiyaa xubinta taranka dhedigga, kaas oo ku salaysan dhaqan jaahilnimo.

SABABAHA loo sameeyo Gudniinka Fircooniga waxaa ka mid ah:



1. Aaminaadda ah in la ilaasho bikranimada gabadha guurka ka hor

2. Aaminaadda ah in gudniinkanu lagama maarmaan u yahay guurka gabadha

3. Aaminaadda ah in gudniinkanu ragga u xaqiijiyo bikranimada gabadha

4. Dadka qaar ayaa aaminsan in Gudniinka Fircooniga ah uu yahay arrin diini ah inkasta oo aanu wax xidhiidh ah la lahayn Diinta Islaamka

Dadka ku dhaqma gudniinka noocan ah waxaa ay qabaan cabsida ah in haddii gabadhooda aan lagu samayn Gudniinka Fircooniga ah ay guur seegayso, amaba waxay ka cabsi qabaan inay u keento ceeb qoyska oo garcato iyaga oo aaminsan in gudniin la’aantu u keenayso gabadha hammad dheeraad ah.

Sida qaalibka ah gudniinka gabdhuhu waxaa uu u kala baxaa seddex (3) nooc, kuwaas oo kala ah:

1. GUDNIINKA SUNNAHA AH

Gudniinka Sunnaha ah waa nooca ugu fudud uguna sahlan kaas oo gabadha laga jaro caarada xubinta-dareenka ee xubinta taranka waxna uma dhimo raaxada iyo caafimaadka gabadha. Sida ka muuqata magaca, waa gudniinka ay oggoshahay Diinta Islaamku waxaana ku dhaqma dalal badan oo Muslim ah.

2. GUDNIINKA GOYNTA XUBINTA-DAREENKA

Gudniinka noocan ah waxaa loo yaqaan Gudniinka Fircooniga waxaana la gooyaa ama la minguuriyaa xubinta-dareenka ee xubinta taranka ee gabadha iyo qaar ka mid ah cadka ku xeeran. Gudniinkanu waxaa uu dhibaato u keenaa caafimaadka gabadha, waxaa kale oo uu nuqsaan u keenikaraa dareenka raaxada ee gabadha inkasta oo haweenku sida qaalibka ah gudaha ka dareemaan raaxada.

3. GUDNIINKA GOYNTA XUBINTA-DAREENKA IYO ISKU-TOLIDDA

Gudniinka noocan ah oo gabdhaha lagu sameeyo waxaa isna loo yaqaan Gudniinka Fircooniga. Waxaa la gooyaa xubinta-dareenka ee xubinta taranka ee gabadha dabadeedna dhinacyada xubinta taranka ayaa inta la saafo la isku tolaa iyada oo loo reebo gabadha dalool yar oo ay soo maraan kaadida iyo dhiigga caadada. Xaaladdan ayaa ay gabadhu ku sugnaataa ilaa inta la guursanayo, markaas oo ay galmadu ku furto dhib iyo dhiig-bax haddii aan lagu furin maqas ama makiinad. Noocan daran ee gudniinka fircooniga ah waa nooca Somalidu ku dhaqanto. Gudniinkanu waxaa uu dhibaato xun u keenaa caafimaadka gabadha waxaanu nuqsaan u keenikaraa ama saamaynkaraa dareenka raaxada galmada ee gabadha ee Ilaahay, SWT, u abuuray. Labadan nooc ee gudniinka fircooniga ah ma oggola Diinta Islaamku maadaama la minguuriyo xubin dhan oo ka mid ah xubinta taranka ee haweenka.

Ujeedada khaldan ee laga leeyahay labadaas nooc ee Gudniinka Fircooniga waxa weeye in la ilaasho bikranimada gabadha. Labadan Gudniinba waa xaaraan Shareecada Islaamka sababta oo ah waxay dhaawac ama dhibaato u geystaan jidhka iyo caafimaadka gabadha islamarkaana saamaynkaraan raaxada haweenka maadaama la gooyo xubin dhan oo Ilaahay (S.W.T) u abuuray dumarka. Waxaa ay la midtahay xubinta taranka labka oo laga dhaawaco madaxa hore. Gudniinka Fircooniga waa faragelin lagu sameeyo abuuridda Ilaahay (S.W.T) oo ay reebantahay in la bedelo.

DHIBAATOOYINKA MARKIIBA LA ARKO

Khataraha markiiba ka dhasha Gudniinka Fircooniga waxaa ka mid ah: Dhiig-bax, xanuun daran, cabsi, argagax, awood-darro, barar, olol, iyo in gabadhu ay awood u weydo inay u kaadido ama u socoto si caadi ah, arrimahaas oo keenikara jeermis ku dhasha kaadi-mareenka gabadha. Natiijada ugu xun ee uu keenikaro Gudniinka Fircooniga ah waxa weeye geeri ku timaada gabadha haddii ay aad u dhiig-baxdo.

DHIBAATOOYINKA NOLOSHA RAAGA

Dhibaatooyinka waqtiga dheer raaga ee Gudniinka Fircooniga ah waxaa ka mid ah: Qoon ama dhaawac gabadhu la nooshahay, cidhiidhi-gelinta soo bixidda kaadida iyo dhiigga caadada. Gabadha lagu sameeyo Gudniinka Fircooniga waxay mararka qaar ku sakaraadaa soo bixitaanka dhiigga caadada maadaama dalool yar loo reebo. Waxaa kale oo ku dhaca Misko iyo dhabar xanuun, galmada oo aad u dhibta, siiba marka la guursado, khatar iyo xanuun ku yimaada gabadha waqtiga ummulidda marka ilmuhu soo bixikariwaayo (taas oo laga yaabo inay keento ummul-raac ama dhimasho). Geerida hooyada ee dalalka ku dhaqma Gudniinka Fircooniga waxay ka sarraysa dalalka aan ku dhaqmin gudniinkan.

Haweeney Somaliyeed oo sharraxaysa Gudniinka Fircooniga ah ayaa tidhi: “Haweeneyda Somalida ah waxay nolosha la kulantaa seddex murugo (3). Murugada ugu horraysa waa marka lagu sameeyo Gudniinka Fircooniga, murugada labaad waxaa ay la kulantaa habeenka la arooso, murugada seddexaadna waxaa ay la kulantaa maalinta ay u mulayso.”
Dhaqanka Gudniinka Fircooniga waxaa si fiican ugu baraaruga hay’adaha iyo shaqaalaha caafimaadka ee dalalka Reer Galbeedka kadib marka dad badan oo ka yimaada dalalka ku dhaqma Gudniinka Fircooniga ah degaan dalalkaas, siiba Maraykanka, Kanada, Yurub, Australiya, iyo New Zealand oo dhaqankan gudniinku mamnuuc ka yahay dalalkooda. Gabdhaha aad u yar-yar ee ka yimaada dalalka ku dhaqma Gudniinka Fircooniga ama kuwa ku dhasha dalalka Reer Galbeedka waxaa ay ka badbaadaan dhaqankan foosha xun ee Gudniinka Fircooniga. Haweenka iyo gabdhaha lagu guday dalalkoodii inta aanay iman dalalka Reer Galbeedka, waxaa lagu dadaalaa in si fiican loo xanaaneeyo oo caafimaadkooda la daryeelo. Waxaa la siiyaa daawooyinka dhiig-baxa joojiya iyo kuwa jeermiska la dagaallama si looga hortago cudurada. Kuwa uurka lehna waxaa loo fududeeyaa sidii ay u umulilahaayeen dhib la’aan iyo xanuun la’aan.

Diinta Islaamku waxaa ay oggoshahay in la gudo wiilasha iyo gabdhaha Muslimka ah laakiin gudniinka Islaamku oggolyahay maaha Gudniinka Fircooniga sababta oo ah waxaa uu halis ku yahay caafimaadka iyo nolosha gabdhaha. Nooca gudniinka gabdhaha ee Diinta Islaamku oggoshahay waa nooca fudud ee loo yaqaan Gudniinka Sunnaha ah kaas oo la gooyo caarada xubinta-dareenka ee xubinta taranka ee gabadha, wiilashana la gooyo buryada.

Kitaabka Islaamka ee caanka ah oo lagu magacaabo: CUMDAAT AS-SAALIK waxaa uu qoray sida soo socota:

• “Gudniinku waa ku qasab (rag iyo haweenba). Xagga wiilasha waxaa uu ka koobanyahay in la jaro buuryada halka gabdhahana uu ka koobanyahay in la jaro caarada hore ee xubinta-dareenka.” [Ku-Tiirsanaanta Xurmada Islaamka, bogga 59, Cumdaat As-Saalik.) Kitaabkan waxaa qoray Mac-hadka Shaaficiga ah ee Shuruucda Islaamka, waxaana taageertay Jaamacadda As-har (Az-har) ee magaalada Qaahira, dalka Masar].

Sababta wiilka looga jaro buuryada, gabadhana looga jaro caarada hore ee xubinta-dareenka waxaa weeye in laga ilaasho inuu jeermis ku dhasho xubnahooda taranka. Gudniinkan noocan ah waxaa uu ka mid yahay dhaqanka Islaamka, mana laha dhibaato wax u dhimaysa caafimaadka ama saamaynkarta raaxada gabadha.

Hay’adda loo yaqaan UNICEF waxay sannadkii 2016 warbixin ku sheegtay in dalalka soo socda gabdhaha loo kala gudo bolqiiba sida hoos ku cad iyada oo la adeegsanayo Gudniinka Fircooniga:

Somalida: 98%, Djibouti: 93%, Ethiopia: 74%, Egypt: 87%, Sudan: 87%, Eritrea: 83%, Guinea: 97%, Nigeria: 25%, Senegal: 25%, Kenya: 21%, Yemen: 19%, Tanzania: 15%, Iraq: 8%, Uganda: 1% etc.

Gabdhaha dadyowga ku hadla Af-Somaliga ee ku nool Geeska Afrika, waxaa intooda badan lagu sameeyaa nooca daran ee Gudniinka Fircooniga (Gudniinka Goynta Xubuinta-dareenka iyo Isku-tolidda) iyada oo la aaminsanyahay inuu lagama maarmaan u yahay bikranimada iyo guurka gabadha. Bikranimada gabadha waxaa ilaasha Iimaankeeda iyo xishoodkeeda ilaa inta la guursanayo ee ma ilaasho Gudniinka Fircooniga. Maadaama Gudniinka Fircooniga aanu meel ku lahayn Diinta Islaamka isla markaana u daranyahay caafimaadka haweenka, waa in dadyowga ku hadla Af-Somaliga ay qaadaan olole lagu cidhibtirayo Gudniinka Fircooniga oo ah dhaqan fool xun oo ku salaysan jaahilnimo, naxariisdarro, iyo caafimaad xumo.

Umm Caatiya Al-Ansaariya (R.C) waxay soo werisay: “Haweeney ayaa gabdhaha ku gudijirtay Madiina. Rasuulka Ilaahay (S.C.W) waxaa uu ku yidhi haweeneydaas: ‘Si daran haw gudin waayo waxay u roontahay haweenka waxaana jecel ragga.” [Sunanka Abu Daawuud 5271, Saxeex].

(Waxaa Qormadan laga soo qaatay: KITAABKA HAGAHA NOLOSHA ISLAAMKA ee Guurka iyo Qoyska. Waxaa laga helaa: Amazon.com, Amazon.in, Amazon.co.uk, Amazon.de, Amazon.fr, Amazon.es, Amazon.it, Amazon.nl, Amazon.co.jp, Amazon.com.br, Amazon.ca, Amazon.com.mx, Amazon.com.au
—————————————————————————————-
https://www.amazon.com/Hagaha-Nolosha-Islaamka-Guurka-Qoyska/dp/1514888459/ref=sr_1_1?dchild=1&keywords=Ibrahim+G.+Hassan&qid=1616119500&sr=8-1

Qoraaga: Ibrahim G. Hassan (Ibrahim Hassan Gagale)

#Somalia #Somaliland #Kenya #Ethiopia #Uganda #Khaliijka #Europe #Djibouti #Tanzania #America #Canada

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this