Sign in to follow this  
Deeq A.

Yosi Cohen oo qirtay in Israel ka dambaysay weeraro lagu qaaday Iran

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxii hore ee sirdoonka Israel ee Mossad ayaa si cad u qirtay in dowladda Israel ka dambaysay weeraro lagu qaaday Iran.

Yosi Cohen oo la hadlay barnaamijka daba-galka ee “Uvda” oo ka baxa taleefishinka Channel 12 ee dalkaas ayaa bixiyey qirasho aan caadi aheyn oo aan laga fileyn madaxa hay’ad sirdoon.

Hadalladiisa ayaa sidoo kale diginin cad u diray saynisyahanad Nukliyeerka Iran, oo ah in sidoo kale ay noqon karaan bartilmaameedka khaarijin.

Weeraradii ugu weyna ee Iran lagu qaado, ayaa laba ka mid ah, waxay ka dhaceen xarunta Natanz, halkaasi dhulka hoostiisa lagu kobciyo macdanta uranium-ka, si looga hortago in la weeraro.

PUNTLAND POST

The post Yosi Cohen oo qirtay in Israel ka dambaysay weeraro lagu qaaday Iran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this