Deeq A. Posted June 12, 2021 Maxaa ku soo dhaca maskaxdaada marka aad maqasho Paris ama Oxford? In sawir jacayl ama aqooneed kuu baxo marka aad maqasho labadan magaalo midkood waxa la galiyay dadaal dheer. Way badanyihiin tusaalayaalka magaalooyin ku guulaystay in ay samaystaan astaan ama borofayl caalami ah sida Las Vegas, Los Angeles iyo Dubai. Sidoo kale waxa jira magaalooyin samaystay astaamo dhismeed oo lagu yaqaanno sida Sydney, Kuala Lumpur iyo San Fransisco. Labadan nooc ee astaamoodba waa qayb ka mid ah istaraatiijiyado lagu suuq-geeyo magaalooyinka. Waana hanti la kobciyo lana ilaashado. Talow maxaa kugu soo dhaca marka ad maqasho Boorama? Source: Hiiraan Online Share this post Link to post Share on other sites