Sign in to follow this  
Deeq A.

xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku geeriyooday qaraxyo ay diyaarinayeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Gobolka shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab ay ku geeriyoodeen qarax ka dhacay tuulo hoostagta degmada Qoryoolay ee gobolkaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay tuulada Aala-footow ee dhinaca galbeed qiyaastii 65-kiilo-mitir ka xigta degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelada hoose.

Warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa shaacisay in qarax uu si gaar ah kaga dhacay xaruntii Al-shabaab ay ku farsameen jireen qaraxyada oo ku taala gobolka shabeellada hoose.

Xarunta qaraxyada lagu farsameynayay ayaa waxaa ku sugnaa saraakiill ajaaniib iyo Soomaali ah iyo dagaalameyaal badan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo dhamaantooda goobta ku geeriyooday, kadib markii xiligaasi ay ku howlanaayeen diyaarinta waxyaabaha qarxa.

PUNTLAND POST

The post xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku geeriyooday qaraxyo ay diyaarinayeen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this