Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Madaxweyne Deni oo u digay dadka dhulka xoogga ku qabsada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16230729875729720.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u digay dadka inta badan dhulka xoogga ku qabsada, isagoo faray laamaha amniga iyo hay’adda garsoorka in dadkii lagu helo dhul boob la marsiiyo sharciga.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu daahfuray barnaamijka qorsheynta dhulka caasimadda Garoowe.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta PDRC, ayaa lagu soo bandhigay xog maqal iyo muuqaal ah oo hab farshaxameysan ay dowladda hoose ee Garoowe ku faahfaahisay qorsheynta dhulka caasimadda iyo sida loo hirgelinayo.

Madaxweyne Deni ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in nustaqbalka Garoowe loo diyaariyo mid horumarsan oo ka qurux badan dhinac dhisme iyo dhinac kasta, wuxuuna ku baaqay dowladd iyo shacaba in arrintaas laga wada shaqeeyo.

FB_IMG_16230730484720276.jpg?resize=720% FB_IMG_16230730224240922.jpg?resize=720% FB_IMG_16230730014288673.jpg?resize=720% FB_IMG_16230730620648293.jpg?resize=720% FB_IMG_16230730286451687.jpg?resize=720% FB_IMG_16230730555554291.jpg?resize=720% FB_IMG_16230730380058045.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Madaxweyne Deni oo u digay dadka dhulka xoogga ku qabsada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this