Sign in to follow this  
Deeq A.

Masaajid ay tahay inaad Maalin ka hor sii qabsato Booskii aad kaga tukan lahayd

Recommended Posts

Deeq A.   

Masaajid ay tahay inaad Maalin ka hor sii qabsato Booskii aad kaga tukan lahayd

Dhismaha masaajidka dadku Online-ka soo dalbadaan booskii ay kaga tukan lahaayn
Dhismaha masaajidka dadku Online-ka soo dalbadaan booskii ay kaga tukan lahaayn

Dalka Sweden waxaa uu ka mid yahay meelaha ay ku badanyihiin oo ay ku noolyihiin bulshada Soomaalida ah, waxaa sidoo kale ku nool Muslimiin badan.

Xayiraadihii is dabada jooga ahaa ee lagu soo rogay dalkaas isla markaana uu sababay cudurka Covid-19 ayaa dhawaan dowladdu qafiifisay waxaana bilowday in Masaajidda dib loogu tukado balse tiro dad ah oo aad u xadidan ayaa loo oggalyahay inay fursad u helaan ku cibaadaysiga Masaajidda.

Dowladdu waxaa ay sheegtay ilaa iyo 50 qof loo oggalyahay in masaajidda ay salaadda ku oggaan kuwaas oo waliba raacaya tilmaamaha taxadariddu ku dheehantahay.

Sidee masaajidka boos looga sii qabsadaa?

Si maamulka Masaajidka uu xaliyo caqabadaha ka taagan salaadaha jamceeda gaar ahaanna Jimcaha ayaa bog uu ku leeyahay barta Internedka wuxuu ka sameeyay qayb aad masaajidka kala xiriiri karto oo aad ka balansan karto maalin ka hor Jimcaha.

“Waxaa keenay arrintaan waa daruufo jiro awgood, masjidkuna wuxuu mar kasta isku dayaa inu xal u raadiyo caqabadaha soo wajaha sidaas daraadeed uwuxuu Masaajidku bogga uu ku leeyahay Internedka ku soo kordhiyay adeeg cusub oo qofku iska diiwaan galin karo qaab online ah maalin ka hor Jimcaha ” ayuu yiri Maxamuud Xasan Cumar oo ah guddoomiyaha Masaadikaan oo ku yaalla magaalada Göteborg ee dalka Swede.

Sidoo kale Maxamuud Xasan ayaa BBC-da u sheegay in maalinta Jimcaha maadama tiro gaaraysa 50 loo oggalyahay hal mar in ay Masaajidku ku tukadaan in ay kordhiyeen inta jeer ee la tukan karo oo ay ka dhigeen ilaa saddex jeer taas oo wadarta guud ka dhigaysa 150 qof oo masaajidka isu banneeyay. Ka hor xayiraadaha fayraska karoona waxaa Masaajidka ku tukan jiray dad ka badan 3 kun oo ka mid ah Muslimiinta ku nool magaalada uu ku yaallo.

Adeegga lagu soo kordhiyay bogga Masaajidka
Adeegga lagu soo kordhiyay bogga Masaajidka

 

Haddii uu buuxsamo masaajidku sidee qofku ku oggaan karaa?

Adeegga cusub ee la soo kordhiyay ee bogga masaajidku ku leeyahay Internedka ayaa qofka tusinaya inuu masaajidku ka buuxsamay hadiiba ay dhacdo taas oo qofka siinaysa go’aanka uu qaadan karo xiligaas ee ku haboon ee ah inuu aado oo uu ku nasiibsado amba uu iska dhaafo. Dadka bogga Masaajidka iska diiwaan galiya waxaa u dhacaya fariin qofka u sheegaysa ama uu ku oggaanayo xaaladihii ugu dambeyay ee Masaajidka. “Qofka is diiwaan galiyana waxaa u soo dhacaysa warqad ama fariin ayaa Emailkiisa ugu dhacaysa taas ayaana laga doonayaa inuu ula tago masaajidka,” ayuu yiri Mr Maxamuud .

Guddiyo ay leeyihiin Muslimiinta masaajida dalka Sweden ayaa dowladda kala hadlay arrinta la xiriirta xayiraadaha masaajidda hase yeeshee dolwadda ayaa ku wargalisay in aan la dhayalsan karin cudurka maadama uu wali dalka iyo dunida kalaba ka jiro. Waxaa loo sheegay guddiyadaas in wakhtigaan loo baahanyahay in la muujiyo degganaan iyo taxadar maadama la rajaynayo in bilaha soo socda wax is badellaan.

Tan iyo markii uu fayraska karona dunida ka billowday, wuxuu saameeyay dhincayo badan oo nolasha ah wuxuuna wax badan ka badalay habkii hore ee loo noolaan jiray,iyadoo in badan oo bulshooyinka dunida ka mid ahna ay qudhoodu soo kordhiyeen fikirro cusub si loola jaanqaado isbadelka uu cudurku sababay sida tan oo kale oo Masaajidkii qofku uu ka sii qabsanayo meeshii uu kaga tukan lahaa.

Dhismaha masaajidka dadku Online-ka soo dalbadaan booskii ay kaga tukan lahaayn
Dhismaha masaajidka dadku Online-ka soo dalbadaan booskii ay kaga tukan lahaayn

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this