Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Rooble iyo safiirka Imaaraadka Carabta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Alcuthman.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal oo muddooyinkii dambe si tartiib ah usoo laabanayey, xili uu kal hore mugdi badan hareeyay.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii dowladda Imaaraadku kaalin uga geysan laheyd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha HirShabeelle.

Rooble oo dhawaan socdaal ku tagay magaalada Jowhar oo qeybo kamid ah go’doon ugu jirto fatahaadaha wabiga Shabeelle ayaa safiirka la wadaagay xaalada adag ee ka taagan Jowhar iyo nawaaxigeeda si ay kaalmo deg-deg ah uga geystaan.

Maamulka HirShabeelle ayaa la daala-dhacaya fatahaadaha oo sanadihii dambe kusoo noq-noqday maamulkaas, kuwaasi oo gebi ahaanba xiray Isku socodkii magaalooyinka.

Rooble-iyo-Safiirka-Imaaraadka.jpeg Rooble-iyo-Safiirka-Imaaraadka-2.jpeg Safiirka-Imaaraadka.jpeg Rooble.jpeg 197508975_2998571343707313_4532910176585

The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Rooble iyo safiirka Imaaraadka Carabta? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this