Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Garoowe ka dhagax-dhigay shan waddo oo laamiya

Recommended Posts

Deeq A.   
7.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Garoowe ka dhagax-dhigay shan waddo oo laamiya, kuwaas oo laga hirgelinayo caasimadda.

Madaxweyne Deni waxa dhagax-dhiga ku weheliyay, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe.

Wadooyinkan ayaa kala ah Wadada Necsom, Towfiiq, Injida , Jidka 30-ka iyo Wadajir. Waxaana tani qeyb ka tahay qorshaha horumarinta magaalooyinka Puntland.

Dhismaha waddooyinkan laamiga ah ayaa qorshaysan in uu dhowaan bilowdo islamarkaana si dhakhso ah loo dhammaystiro.

5.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 7.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-11.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1-8.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 8.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Garoowe ka dhagax-dhigay shan waddo oo laamiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this