Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   
3-5.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Alcuthman.

War kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble, ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaruhu kulan la yeeshay safiirka Imaaraadka Carabta, islamarkaana labada mas’uul wada-hadal yeesheen.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Imaaraadku kaalin uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle, gaar ahaan Jowhar iyo nawaaxigeeda.

Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in ay ka wada hadleen “xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii Dowladda Imaaraadku kaalin uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle, gaar ahaan Jowhar iyo nawaaxigeeda.”

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this