Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbahaysiga Walaxaa Ka Dhiman. (Iyamaa Xaqleh Xisbiga Mise Qabiilka)

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaalad isku danaysi ah ayaa dhex martay Xisbiyada iyo Musharixiintii Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada, waxaana marka hore faa’iido taagnaa Xisbiga oo Musharax kasta ka iibiyay booska uu iska sharaxay oo ka qaaday lacag, Mudadeedu xadidan tahay oo ka dhamaanaysay marka uu guulaysato ama Guul daraysato,
Musharax kasta oo dhacay maanta kama tirsana Xisbigii uu ka sharaxnaa ama aan idhaahdo Dhamaan Musharixiintu kamay tirsanayn Xisbiyada ay ka sharaxnaayeen marka laga reebo dhawr qof oo uu ku jiro Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun.

Sidaas markay tahay Musharax kasta oo guulaystay (Deegaan ama Wakiilo), kama tirsana Xisbiga uu ka dhex tartamay.

Hadaba waxaan u socdaa Isbahaysigu Muxuu soo kordhinayaa,

Mudane.

Xildhibaan kasta oo Guulaystay iyo kii dhacayba waxa kuu keenay Caaqilkiisa, Odoyaashiisa iyo Waxgaradkiisa, Waxay intoodu badan kuugu yimaadeen habqabiil, ee kumaad dooran aqoon iyo karti, Lacagta iyo Kharashka ka baxay waxa lahaa Reerkiisa ama waxay ahayd wax uu isagu shaqaysatay, markii uu guulaystayna waxa aad jeclaatay inaad ka arimiso cida uu u codaynayo, ka uu taageerayo iyo sida uu u dhaqmayo, dhinac kalena Cuqaashii, Odoyaashii iyo Waxgaradkii kuu keenay iyaguna waxay ka talinayaa Xildhibaankoodu halka uu marayo iyo cida uu taageerayo.

Markaa Iyamaa Xaq leh, Xisbiga mise Qabiilka

Isbahaysiga Walaxaa ka dhiman.

Wariye Maxamed Kuraase

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this