Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyihii Kooxda Boko Xaraam Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nigeria)-Hoggaamiyihii kooxda maleeshiyaadka ee Boko Xaraam, Abuubakar Shekau ayaa is dilay, sida laga soo xigtay cod ay soo duubeen maleeshiyaad Islaami ah oo uu dagaal ka dhexeeyo kooxdaas.

Cod ay heleen wakaaladaha wararka, kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in Abuubakar Shekau uu ku dhintay qarax ismaadin ah oo isagu isku xidhay kadib dagaal dhex maray labada kooxood.

Bishii hore ayaa la sheegay in Abuubakar Shekau uu dhintay halka marar badan oo hore la sheegay in uu geeriyooday.

Dowladda Nigeria iyo Boko Xaram toona ma xaqiijin geerida hoggaamiyihii kooxdaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this