Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Garoowe ka dhagax-dhigaya shan waddo oo laami ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Isniin ah Garoowe ka dhagax-dhigaya shan waddo oo laamiya, kuwaas oo la doonayo in dhismahooda laga bilaabo caasimadda.

Madaxweynaha oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe ayaa sida qorshaysan saacadaha soo socda dhagax-dhigaya shantan waddo oo dhowaan laami la saari doono.

Sidoo kale, Garoowe waxa ka socda barnaamijka cagaarinta caasimadda oo dhirayn loogu samaynayo magaalada, si loo hagaagiyo bilicda iyo dhallaalka caasimadda.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Garoowe ka dhagax-dhigaya shan waddo oo laami ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this