Sign in to follow this  
Deeq A.

“Codka Tirada Badan Ee Ay Ku Soo Baxeen Mooge Iyo Barkhad Xaafad Gooni Ah Ama Jifo Gaar Ahi Ma Bixin…” Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Taariikh baa is qortay. Labada mudane ee deegaanka iyo baarlaman ee Gobolka M/jeex iyo guud ahaanba SL u gu codka badani waa Mooge iyo Batuun. Hadii magac lagu aqoonsado doorashadaasi ay yeelan doonto, sidii tii 1968 ba Food Qasaaray loogu magac-bixiyay, waxa ay tani ku diiwaan geli doontaa – Doorashadii Mooge iyo Batuun.

Labadan nin sababta ay doorashadoodu micnaha goonida ah u leedahay waa saddex xaqiiqo oo aan cid kale la wadaagin:

(1), Codka tirada badan ee ay ku soo baxeen xaafad gooni ah ama jifo gaar ahi ma bixin. Sababtaas darted ayaa musharaxiintii beeluhu aanay u dhaafin dhawrkii kune e macruufka ahaa.

(2), Labadan nin oo muddo dheer soo dhisaayay dhaqdhaqaaq shacbi, oo dhalinyaro u badan, oo qorshe iyo hadaf cayiman leh, hadafkaas oo doorashadoodu ay talaabadii 1aad u tahay. Shacbi rajo xumo dilootay mar uun buu heeryada tuuraa, meel uun baanay ka bilaabataa.

(3), Labaduba in aanay samaysan, oo maalinna isku halayn, oo maalin na ka ag muuqan odayaal beeleed iyo dilaaliin siyaasadeed oo ku sheegta in ay yihiin musharaxa beesha Reer Qansax/qudhac/galool ee la isku raacay. Jidkaas oo ahaa kii lagu soo bixi jiray waa ka weecdeen, waxayna jeexdeen jid kale, kaas oo dadka badankood u gu muuqday mid qalalan oo aan waxba laga dheefayn, ay se cadaatay taas caksigeedu. Jidkoodu ma ahayn mid qalalan, dadku na ma aha dhagxaan. Haa, dhagxan iyo geedo toona ma aha ee waa dad, waanay cadeeyeen in ay dad yihiin. Wax baa loo sheegay, waanay u guuxeen, wayna codeeyeen. Hadda ciddii loo codeeyay ayuu waajib dul yaallaa.

Hambalyo Mooge iyo Batuun. Hambalyo Doorashada Mooge-Batuun 2021.

W/Q Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this