Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Xaqiijinta Oo Sheegay In Ay Saareen 34 Xubin oo Lagu Muransanaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Ra’iisul wasaaraha dalka u xilsaaray xaqiijinta xubnaha muranka laga keenay ee guddiga doorashooyinka dalka ayaa soo saaray liiska xubna ay sheegen in ay ka saareen guddiga doorashooyinka .

Rooble ayaa dhawaan liiska 67 xubnood oo ka mid ah guddiga doorashooyinka ka guddoomay Xubnaha midawga Musharixiinta, kuwaas oo sheegay in aysan xubnahan qaban karin doorasho xor iyo xalaal ah .

Guddiga xaqiijinta ayaa sheegay in 34 ka mid ah liiska 67 xubnood ay ka saareen guddiga doorashooyinka dalka, waxa ayna sidoo kale sheegen in 48-saacadood gudahood ay ku soo magacaabayaan xubnaha la saaray kuwii badali lahaa.

Xubnahan guddiga laga saaray ayaa horay loogu eedeyay in ay ku jiraan kuwa ka tirsan Ciidamada , Shaqaalaha dowladda iyo Taagerayaasha Madaxweynihii hore dalka Farmaajo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this