Deeq A. Posted June 6, 2021 Guddiga xaqiijinta xubnaha cabashada laga keenay ee guddiyada doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay 34 xubnood oo laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan. Guddiga ayaa sheegay in 34 xubnood ay saameeyeen eedeymihii ay u soo jeediyeen dhinacyada siyaasadda oo kala ahaa in ay kamid yihiin ciidamada, shaqaalaha dowladda iyo taageero u yihiin siyaasiyiin. Guddiga ayaa ka codsaday dowlad goboleedyada iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha in xubnahan lagu soo badelo muddo 48 saacadood gudahooda. 34 xubnood ayaa laga soo saaray 67-dii xubnood ee la eedeeyay oo sugu jiray guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad goboleed iyo khilaafaadka. Hoos ka daawo guddiga oo arrimahaas ka hadlaya. PUNTLAND POST The post Xubno laga saaray guddiyada doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites