Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Agaasimihii wasaaradda warfaafinta oo xilka laga qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta Naasir Xuseen caawa xilkii laga qaaday, iyadoo la magacaabay Agaasime cusub.

Cabdullahi Maxamed Xayir oo horay u soo noqday Agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga ayaa la sheegayaa in caawa loo magacaabay xilka Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta.

Waxaa horay idiinla wadaagnay inuu jiro cadaadis dhanka madaxtooyada, gaar ahaan xafiiska madaxweynaha uga imaanaya wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe, kaas oo ah in la bedelo Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo dhammaan agaasime waaxeedyada wasaaradda.

Xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa aad u dhibsaday hanaanka tafaftir ee ay qaadatay warbaahinta qaranka oo tan iyo markii mas’uuliyadda ammaanka iyo doorashada uu wareejiyey madaxweyne Farmaajo si siman u tebineysay wararka mucaaradka iyo muxaafidka.

Nidaamkaan dhexdhaxaadka ah ayaa la sheegay in xafiiska Farmaajo uu u arko mid caqabad ku noqon kara ololihiisa doorashada, maadaama doorashada soo socota kaalin muhiim ah ay ka cayaari doonto warbaahinta.

Xogta aan heleyno waxay intaas ku dareysaa in qorshaha is bedelka lala damacsan yahay wasaaradda warfaafinta uu intaas ka balaaran yahay, waxaana socda qorshe Agaasimaha cusub uu xilalka uga qaadi doono agaasime waaxeedyada TV-ga, Raadiyaha iyo Wakaaladda SONNA.

Arrintaan ayaa waayahaan aad isha loogu wada hayey, maadaama is bedel badan oo dhanka tafaftirka ah laga dareemay warbaahinta qaranka oo si siman u qaadaneysay wararka musharaxiinta iyo siyaasiyiinta kale ee mucaarad iyo muxaafidba.

The post Xog: Agaasimihii wasaaradda warfaafinta oo xilka laga qaaday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this