Sign in to follow this  
Deeq A.

Cod Sirta Ah Oo Laga Duubay Abiy Axmed

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa ka hadlay cod uu muuqday in laga soo duubay Abiy Axmed oo sheegayay in geeri ka xigo in uu xilka wareeriyo.

Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in codkaas uu been yahay.

Codka ayaa waxaa daabacday shirkad fadhigeedu yahay Mareykanka oo la yidhaahdo Kello Media – taas oo sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha laga soo duubay codka xilli uu ka qeybgalayay shir ay lahaayeen xubnaha xisbiga haya talada Itoobiya ee PP.

Codka oo u muuqday in laga soo duubay Abiy Axmed ayaa u dhignaa sidatan, “Waxaan idiin sheegayaa in wax shaki ah aanu ku jirin- in aan ku guuleysannay doorashada”

“Ma jirto cid awood u yeelan karta in dowlad ay soo dhisto 10-ka sanno ee soo socota, geeri ayaana ka xigaa intii aan xilka wareejin lahaa” waxaana codka laga maqlayay sawaxan iyo sacab.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in codka uu yahay mid la iskugu kan keenay iyadoo la adeegsanayo codad kala duwan.

Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in codkaas uu yahay waxba kama jiraan.

“Codka loo maleynayo in laga soo duubay Raysal Wasaaraha xilli uu ku sugnaa shirka xisbiga haya talada toddobaadkii lasoo dhaafay, codkaas waa mid been ah oo laisu geeyay, waxaana laga soo qaatay codad kala duwan oo kasoo baxay Raysal Wasaaraha, isbaddalo badan ayaa lagu sameeyay si looga dhigo hal cod” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay xafiiska Abiy.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay “inay ka feejignaadaan wararka marinhabaabinta ah ee ku saabsan ololaha noocan ah”

Saraakiisha dowladda iyo taageerayaasha Raysal Wasaaraha ayaa dhammaantood waxay sheegeen in codkaas uu been yahay isla markaana waxay isku dayayeen inay hor istaagaan in la baahiyo qeybo kamid ah khubadihii uu hore u jeediyay Raysal Wasaaraha.

Warbaahinta Kello Media ayaanan weli ka hadlin arrintan.

Doorashada Itoobiya ayaa marar kala duwan dib loo dhigay, waxaana la filaya in la qabto 21-ka bisha Juun.

Dib u dhac ku soo food leh doorashada Itoobiya ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inay sii huriso xiisadda siyaasadeed ee dalkaas ka jirta.

Kulan ay badhtimihii bishan la qaateen saraakiil ka socotay dhowr xisbi siyaasadeed, madaxa guddiga doorashooyinka Birtukan Mideksa, ayay mas’uuliyiinta Xisbiyada ugu sheegtay in weli ay jiraan caqabado la xiriira diiwaangelinta codbixiyayaasha, tababarka shaqaalaha doorashada, iyo waraaqaha codbixinta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this