Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Africa Oo Laalay Xubinnimadii Dalka Mali

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Mali)-Midowga Africa ayaa si kumeel gaadh ah u joojiyay xubinnimada dalka Mali ee ururkaas, waxaana tallaabadaas ay jawaab u tahay afgambigiu uu millatarigu ku qabsaday dowladdii dalkaas toddobaadkii la soo dhaafay.

Bayaan kasoo baxay Midowga Africa ayaa lagu sheegay in Mali ay la kulmi doonto cunaqabateyn dheeraad ah, haddii millatarigu aanu awoodda dib ugu soo celin dowladdii rayidka aheyd.

Millatariga ayaa asbuuci hore xidhay, madaxweynihi ku meel gaadhka ahaa Bah Ndaw iyo Ra’isul Wasaarihiisii Moctar Ouane, kaddibna ku cadaadiyay inay iscasilaan, arrintaas oo dhabarka ka jabisay dadaalladi lagu doonayay in dalka galbeedka Africa lagu gaadhsiiyo doorasho dimoqraadi ah sideed bilood kaddib marki ay isla millatarigu afganbi awoodda uga tuureen madaxweynihi hore ee dalkaasi Abubakar Keyta.

Urur goboleedka ECOWAS ee Galbeedka Africa ayaa isna Axadi Mali ka joojiyay xubinnimada ururkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this