Sign in to follow this  
Deeq A.

Natiijada Doorashooyinkii Ka Dhacay Somaliland Oo Maanta Lagu Dhawaaqayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Natiijadii hordhaca aheyd ee doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo deegaanka Somaliland ee maalin ka hor dhacday ayaa waxaa lagu waday in habeenkii xalay aheyd lagu dhawaaqo, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Eng, Cabdirashiid Riyo Raac ayaa sheegay galabnimadii shalay mar uu warbaahibta la hadlaayay sheegay in saacadaha soo socda lagu dhawaaqdi doono Natiijadda hordhaca ee doorashada.

Guddoomiye Cabdirashiid Riyo Raac ayaa tilmaamay in maanta oo Arbaco ah la shaacin doono Natiijada doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo deegaanka Somaliland, iyadoona dadka Somaliland ay si weyn u sugayaan shaacinta natiijada.

In ka badan hal malyan oo qof oo ah shacabka Somaliland una dareeray goobaha Codbixinta doorashada ayaa dhiibtay codadka ay ku dooranayaan 82 Xildhibaan oo u tartamaya Baarlamaanka iyo 249 Golaha guurtida ah.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qiyaastii 55% codbixiyeyaasha is diiwaangaliyay ay da’doodu ka yareyd 25-jir, sidoo kalena 53% codbixiyeyaashu ay ahaayeen rag, halka 47% ay dumar ahaayeen.

Ilaa iyo hadda ma jirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleysto aqlibiyadda kuraastii loo tartamay, waxaana dadka Coddeeyay kamid ah Guddoomiyeyaasha Xisbiyada ku tartamaya doorashada Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this