Sign in to follow this  
Deeq A.

Milatariga Soomaaliya oo sheegay in ay dileen xubno badan oo Shabaab ah

Recommended Posts

Deeq A.   
4-1.jpg?resize=696%2C522&ssl=1

Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka warbixiyay hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degaanka Ceelbacad ee degmada Buula-burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan

Taliyaha Qaybta 27-aad ee ciidamada Milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Gen. Tareedhisho, ayaa warbaahinta u sheegay hawlgalkaas qorshaysan lagu beegsaday dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo khasaare kala duwan la gaarsiiyay.

Gen. Tareedhisho ayaa tilmaamay in hawlgalka lagu dilay in ka badan 25 xubnood oo Al-shabaab ah, halka tiro kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in howlgalka Ciidamada ay kusoo furteen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay lahaayeen Al-Shabaab.

PUNTLAND POST

The post Milatariga Soomaaliya oo sheegay in ay dileen xubno badan oo Shabaab ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this