Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalia:Dhacdo Argagax leh+Gabadh 11 jir ahayd oo meydkeeda laga helay digsi lagu dhex qariyay

Recommended Posts

Deeq A.   

 Gabadh 11 jir ahayd oo meydkeeda laga helay digsi lagu dhex qariyay

.

Dhacdo argagax ah ayaa laga soo sheegayaa magaalada Muqdisho ka dib markii meydka gabadh yar laga helay digsi weyn oo lagu dhex qariyay.

Wararka waxay sheegayaan in qoyska gabadhan ay dhawaanahanba raadinayeen, waxaana sawirradeeda lagu baahiyay baraha bulshada.

Meydka Nafisa Cumar Cabdullaahi oo ah gabadh 11 sano jir ahayd, ayaa maanta laga dhex helay gurigooda.

Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley, Guhaad Sheekh Xasan, ayaa warbaahinta u sheegay in gabadhan muddo saddex maalmood ah la baafinayay.

“Runtii mucjso ayaan maanta meeshan ku aragnay, saddexdii maalin ee ugu dambeysay waxaa la baafinayay gabar yar. Saaka meydka gabadha waxaa lagu dhex arkay digsi weyn oo ah kuwa Sabta (lagu kariyo cuntada badan ee ducada ama martiqaadka). Digsi weyn oo kale na uu kor saaran yahay, joodariyeyaal iyo alaab na ka koreyso”.

Wuxuu faahfaahin ka bixiyay dhacdadan iyo sida ay xaaladda aheyd, “Laakiin markii la galay waxaa arkay gabadhii la baafinayay oo googo’day, oo meesha ku jirto. Waxyaabaha mucjisada ah waxaa ka mid ahaa inay xirxirneyd oo lugaha iyo gacmaha ayay ka xirneyd”.

Guhaad Sheekh Xasan, ayaa sidoo kale sheegay in gabadha la ceejiyay iyadoo guriga ay ka maqnaayeen waaliddiinteeda.

 

“Runtii tuhun ayaa jiro oo qoladii dambi baarista ayaa imaadday. Ma goowracneyn gabadha laakiin fal kale in uu dhib ku dhacay ayaa loo maleynayaa, maadama guriga ay hooyadeed iyo aabeheed ka maqnaayeen. Guriga cidlo ayuu ahaa”.

Wuxuu intaas ku daray in ilaa iyo hadda aanan la ogaanin sababta ka dambeysay dilka gabadhan balse ay baarayaan waxa ka dambeeyay falkan gurucan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this