Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Imaaraadka Carabta oo booqday wadaadka u sareeya Israel

Recommended Posts

Deeq A.   
2-1.jpg?resize=720%2C405&ssl=1

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Israel ayaa sheegtay in safiirka Imaaraatka u jooga Israel uu Booqday Guriga madaxa Golaha Wadaadada Caqiidada Tawraat ee Israel .

Wargeys ku Hadla afka Wasaaradda Arimaha Dibeda ee Israel oo arrintan ka warramay, ayaa laga soo xigtay in Safiirku ka ducaystay Wadaadka ugu sarreeya Golaha Caqiiqada Tawraat-ka oo lagu magacaabo Shalom Cohen.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in safiirka imaaraatka Maxamed Al Khaja iyo Raahibka ugu sareeya Caqiidada Tawreed uu ku saabsanaa Dardargelinta heshiisyadii Ibraahiimiyada , ugu Dambayntiina waxay is dhaafsadeen hadiyado.

Safiirka imaaraatka Maxamed Al Khaja ayaa ku casuumay Shalom Cohen oo ah Wadaadka ugu sareeya Golaha CaqiidadaTawraat inuu kasoo kaqeyb galo furitaanka Macbadka Saddexda Diimood ee Abraham ee Laga furayo Magaalada Abu Dubai.

PUNTLAND POST

The post Safiirka Imaaraadka Carabta oo booqday wadaadka u sareeya Israel appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this