Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddi ka tirsan Baarlamanka Puntland oo booqday Dekedda Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
4.jpg?resize=1000%2C601&ssl=1

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa xalay Kormeer u kuur-gelid ah ku tagay qaybaha kala-duwan ee Dekedda weyn ee Boosaso.

Kormeerka Guddiga ayaa waxay warbixino kaga dhageysteen Maamulaha Furdada Dekadda Boosaaso Maxamed Yuusuf iyo saraakiisha amniga.

Guddiga ayaa ka xog wareystay shaqooyinka Dekadda, habka Dakhliga loo aruuriyo, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed, waxayna ka dib su’aalo ka weydiiyeen masuuliyiinta arrimahaas.

Xildhibaannada ayaana kula dardaarmay masuuliyiinta ay la kulmeen in dakhliga loo aruuriyo si hufnaan-leh, waxaana Kormeerkan Guddiga uu qeyb ka yahay shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada DPL sida uu qabo Qodobka 64aad Dastuurka.

1-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4.jpg?resize=1000%2C601&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddi ka tirsan Baarlamanka Puntland oo booqday Dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this