Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo la kulmay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda Midowga Yurub iyo UK

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16225459931081525.jpg?resize=720%

Hargeysa (Wararka PP) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda dalalka ku bahoobay Midowga Yurub iyo dalka UK oo Somaliland u yimid indho indhaynta doorashooyinkii golayaasha wakiillada iyo deegaanka ee maalintii shalay qabsoomay.

Xubnaha safiirrada iyo diblomaasiyiinta isugu jira ee la kulmay madaxweynaha Somaliland waxa kamid ahaa safiirka Denmark Ambassador Ole Thonke, Safiirka Finland Ambassador Erik Lundberg, Safiirka Sweden Ambassador Valentin Zellweger , Ku-xigeenka safaaradda Talyaaniga, Mr. Massimiliano Bertollo, Ku-xigeenka safiirka safaaradda Norway Mr. Stian Christensen, madaxa xafiiska safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya Mr. Stuart Brown, Johan Svensson oo ka socda safaaradda dalka Sweden, Oliver Unverdonben oo ka socda safaaradda dalka Germany, Josefine Jensen oo ka socda safaaradda dalka Denmark iyo Tomas Kirchener oo ka socda xubnaha ku bahoobay Midowga Yurub.

FB_IMG_16225484407467782.jpg?resize=720%

Muuse Biixi ayaa xubnaha wafdiga uga mahadnaqay imaanshiyahooda Somaliland iyo muhiimadda ay siiyeen inay kormeeraan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay shacabka Somaliland ku soo dooranayeen golayaashii meteli lahaa.

Dhankooda safiirada iyo diblomaasiyiinta ayaa bogaadiyey nidaamkii loo agaasimay doorashooyinkii ka qabsoomay Somaliland iyo bisaylka iyo dulqaadka siyaasadeed ee ka muuqday shacabka iyo xisbiyada siyaasadda.

PUNTLAND POST


The post Muuse Biixi oo la kulmay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda Midowga Yurub iyo UK appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this