Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubnaha guddiyada doorashada ee cabashada laga muujiyay oo la soo bandhigay

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210601_172235515.png?resi

Muqdisho (Wararka PP) — Guddiga Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga muujiyay ee ku jira guddiyada doorashooyinka ee federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa soo badhigay magacyada xubnaha ay cabashada ka muujiyeen dhinacyada siyaasadda iyo noocyada cabashada laga muujiyay.

Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, ayaa sheegay in ay soo gaareen 67 xubnood oo isugu jira saddexda guddi heer federaal, heer dowlad goboleed iyo khilaafaadka oo ay u soo gudbiyeen dhinacyada siyaasadda.

Waxa uu sheegay in 61 kamid ah xubnahaas ay cabasho ka keeneen Midowga Musharrixiinta, halka 4 xubnood uu cabasho ka keenay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, 2-da xubnood oo kalana ay cabasho ka qabaan guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Afhayeenka guddiga ayaa sheegay in xubnahan lagu eedeeyay saddex arrimood oo kala ah in ay qaar ka tirsan yihiin ciidamada, qaarna shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo kuwa lagu soo eedeeyay in ay taageerayaal siyaasiyiin yihiin.

Hoos ka akhriso magacyada xubnaha la soo bandhigay

FB_IMG_1622554493127.jpg?resize=699%2C96 FB_IMG_1622554499347.jpg?resize=709%2C96

PUNTLAND POST



The post Xubnaha guddiyada doorashada ee cabashada laga muujiyay oo la soo bandhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this