Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddigii dhismaha golayaasha degaanka Galmudug oo la kala diray

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa kala diray guddi qaabilsanaa dhismaha golayaasha degaanka maamulkaas kadib markii khilaaf kala dhexgalay guddiga.

Wareegto ka soo baxday wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Galmudug ahna ku-simaha wasiirka ayaa lagu kala diray guddiga farsamada dhismaha golayaasha degaanka degmooyin ka tirsan Galmudug.

Kala dirista guddiga ayaa loo cuskaday kadib markii uu dhammaan waayay khilaafka dhex-dooda ah kaas oo ku salaysan hannaanka loo marayo dhismaha golayaasha degaanka.

Galmudug.jpg?resize=427%2C600&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddigii dhismaha golayaasha degaanka Galmudug oo la kala diray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this