Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Banaanbax looga so horjeedo Mareykanka oo ka socda Addis Ababa iyo magaalooyin kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Kumannaan dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Bannaanbaxan ayaa looga soo horjeedaa sida ay sheegeen dowladaha shisheeye ee farogelinta ku haya arrimaha gudaha Itoobiya iyo horumarka dalkaas.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale sitay boorar lagu taageerayo biyox-reenka lagu muransan yahay ee ay Itoobiya ka dhiseyso Webiga Nile.

Sawirrada Madaxweynaha Ruushka iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping ayay siteen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha iyadoo xiriirka Itoobiya iyo Mareykanka – oo ay mar xulafo dhow ahaayeen – uu sii xumaanayo.

Bannaanbaxan ayaa sidoo kale ka socda qeybo ka mid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ay ka mid tahay magaalada Dhagaxbuur.

Telefishinka Dowlad Deegaanka ee SRTV ayaa soo tebiyay in shacabkii bannaanbaxayay ay ku dhawaaqayeen erayo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan cid walba oo ka xun horumarka Itoobiya.

Mareykanka ayaa dhawaan Itoobiya ku soo rogay xayiraado dhanka socdaalka ah kadib markii lagu eedeyay in ay dowladda weli sii waddo gabood falada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee loo geysanayo qowmiyadda Tigreega .

Abiy ayaa dagaal qaatay 6 bilood la galay xoogaga TPLF kuwaas oo ka soo horjeystay mudda kordhin u sameystay .

1490e2d4-366a-493e-8661-92398bf6f991.jpg WhatsApp-Image-2021-05-30-at-01.38.21.jp WhatsApp-Image-2021-05-30-at-01.38.21-1. WhatsApp-Image-2021-05-30-at-01.38.21-2. WhatsApp-Image-2021-05-30-at-01.38.21-3.

The post Sawiro: Banaanbax looga so horjeedo Mareykanka oo ka socda Addis Ababa iyo magaalooyin kale appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this