Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ka sameeyay Jubada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Kumaandooska Milatariga Soomaaliya ee Danab ayaa howlgallo qorsheysan saacadihii la soo dhaafay waxaa ay ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo ka dhan ahaa Al-Shabaab ayaa Ciidamada waxaa ay ka fuliyeen fuliyeen  Tulooyinka Shabac,  Xarxaarka,  Gaabo_gabdhoole,  Labikuus, ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo weeraro isugu jira qaraxyo iyo mid toos ah ay marraka qaar ka geystaan Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka  5-aad guutada 16-aad kumaandooska danab Carab Dheeg Axmed ayaa sheegay in CiidankaDANAB ay ku guuleysteen inay howlgalka ku soo saaraan 5 Miino oo Al-Shabaab wadooyinka ku Aaseen so ay Shacabka ugu kudhibaateeyaan.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada DANAB ay howlgalka sii wadi doonaan ilaa iyo inta degaannada Gobolka Jubbada Hoose laga saarayo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

PUNTLAND POST

The post Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ka sameeyay Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this