Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxbuus Itoobiyaan Ah Oo Calooshiisa Laga Soo Saraay Masaabiir Badan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Madaxa cisbitaalka Arbaminch ee ku yaalla koonfurta Itoobiya ayaa BBC u sheegay in masaabiir gaadheysa 30 biro ah iyo agab kale laga soo saaray caloosha nin maxbuus ahaa oo u dhashay dalkaas.

Temesgen Teshome wuxuu sheegay in ninka maxbuuska ah uu ku xukunnaa 7 sanno oo xadhig ah, haatana laga daweynayo xannuunka dhanka dhimirka ah.

Ninkan ayaa salaasadii la soo dhaafay la dhigay cisbitaalka Arbaminch isago oo sheegayo in calool xanuun uu dareemayo ayna xaaladdiisa ay halis aheyd, sida uu sheegay Teshome.

Markii dhakhaatiirta ay weydiiyeen halka laga hayo, wuxuu ku jawaabay in uu liqay masaabiir.

Dhakhaatiirta ayaa markii dambe ninka maxbuuska ah caloosha ka saaray raajato (X-ray), waxaana la ogaaday in calooshiisa iyo mindhiciradiisa lagu arkay qalab ay ka mid yihiin masaamiir iyo biro.

Sida laga soo xigtay Temesgen Teshome, waxaa lagu sameeyay qalliin markii la arkay in dheef -shiidgiisa uu gebi ahaanba xidhan yahay.

“Markii qalliinka lagu sameynayay, waxaa la ogaaday in qalabka ay dhexgaleen caloosha iyo mindhicirada, markaa waxay noqotay in si taxaddar leh loo qalo”, ayuu yidhi Teshome.

Ku dhawaad 30 musbaar, afar qalin, irbad, dun iyo biro adag, ayaa laga soo saaray calooshiisa.

Ka dib markii qalliinka lagu sameeyay, dhakhaatiirta waxay ninka saareen raajo kale, waxay xaqiijiyeen in calooshiisa aanu wax kale ku jirin.

“Xaaladdiisa wey wanaagsan tahay, wuxuu u baahan yahay baadhitaano dheeraad ah. Wuxuu liqay qalab halis ah oo caarad leh, waxaa suuragal ah in uur ku jirtiisa ay dhibaato u gesyteen,” ayuu yidhi madaxa cisbtaalka.

Wuxuu intaas ku daray in ninka maxbuuska ah uu u baahan yahay in mar kale baadhitaan caafimaad la marsiiyo si loo baadho cunihiisa iyo baadhitaan dhanka dhimirka ah.

Saraakiisha ayaa BBC u sheegay in ninka maxbuuska ah in aanu hore u dareemeynin xanuun dhanka dhimirka ah, balse uu xanuunkan la soo dersay markii la soo xidhay

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this