Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Loogu Deeqay Qalab Loo Adeegsado Hubinta Codbixiyaha

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Qalab badan oo loo adeegsado hubinta Cod bixiyaha ee loo yaqaano Biometrics Voter Verification System ayaa waxaa Taiwan ay maalintii shalay oo sabti aheyd ku wareejisay Somaliland.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Taiwan ay ku leedahay Hargeysa ayaa waxaa lagu sheegay in qalabkaan oo ah 2500 xabo oo loo adeegsado hubinta Cod bixiyaha loo isticmaalayo hubinta iyo xaqiijinta astaamaha jiheed ee Codbixiyayaasha doorashooyinka ka dhacaya Somaliland.

Taiwan ayaa tilmaamtay inay taageersan tahay doorashada Somaliland, isla markaana waxaa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay kala shaqeeyaan Arrimaha doorashada, waxaana Somaliland ka mahadcelisay qalabkaan casriga ee lagu wareejiyay.

“Somaliland waa waddankii ugu horreeyay ee isticmalay tiknoolajiyada aqoonsiga indhaha doorashadii 2017, maantana qalabkan IBVVS oo la jaanqaadaya, qalabka aqoonsiga indhaha waa guul la gaadhay taariikhda doorashada adduunka” ayaa lagu yidhi Qoraalka Taiwan.

Sidoo kale ayaa waxaa intaas qoraalka lagu sii daray ” Taageerada Taiwan ee doorashooyinka Somaliland waa in la muujiyo in dimuquradiyadu tahay luuqadeena, xorriyaduna tahay u jeedkeena guuud”.

Qalabkaan ay Taiwan ugu deeqday Somaliland oo loo isticmaalo diiwaan-galinta iyo xaqiijinta codbixiyaha ayaa ah qalab sahlaya in uu aqoonsado astaamaha jiheed ee codbixiyaha sida indhaha qofka, waxaana la xusay in qiimahiisu yahay 2 milyan oo dollar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this