Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulka sawirrada ugu sarreeya toddobaadkan ee qaaradda Afrika: May 2021

Recommended Posts

Deeq A.   

Xulka sawirrada ugu sarreeya toddobaadkan ee qaaradda Afrika: May 2021

 
Ifraax Axmed, oo ah Soomaali haysata sharciga Ireland, waxay sawirka ku gashay Madxafka dadka Soogalootiga ah ee EPIC, ee bartamaha magaalada Dublin. Waxay ku dhalatay xero qaxooti, ka dib markii Soomaaliya uu dagaalka ka bilowday, ka dib Ifraax waxaa loo tahriibiyay Ireland, iyadoo aad u da'yar. Hadda waxay u ololeysaa arrimaha bulshada.
Ifraax Axmed, oo ah Soomaali haysata sharciga Ireland, waxay sawirka ku gashay Madxafka dadka Soogalootiga ah ee EPIC, ee bartamaha magaalada Dublin. Waxay ku dhalatay xero qaxooti, ka dib markii Soomaaliya uu dagaalka ka bilowday, ka dib Ifraax waxaa loo tahriibiyay Ireland, iyadoo aad u da’yar. Hadda waxay u ololeysaa arrimaha bulshada.
People sitting on chairs in the River Nile in Khartoum, Sudan - Tuesday 25 May 2021
Dadka deggan caasimadda Sudan ee Khartuum, waxay dhex fariisteen biyaha webiga Nile si ay qabow ugu helaan cagahooda. Dhallinyaradan Waxay Talaadadii fariisteen meesha ay ku kulmaan Nile-ka buluugga ah iyo Nile-ka Cad.
Joy Paul Kurmi, oo ah ardey dhigata Iskuulk Federal College of Forestry Mechanization, oo fadhiya jikada gurigooda ee Kaduna, Nigeria- Friday 21 May 2021
Gabadh ardey ah oo muddo laba biloow ah afduub loogu haystay Keymaha Nigeria, oo ku dhex nasaneysa jikada gurigooda oo ku yaalla Kaduna.
 
People sleeping outside on a street in Gisenyi, Rwanda - Sunday 23 May 2021
 
Ka dib markii dhacdada foolkaanada iyo dhul ruxanka ay sii socdeen, shacabka Goma waxay Khamiistii dib u billaabeen barakac. Maamulka waxay ku baaqayaan in dadka laga saaro aaggaas.
A graffiti artist paints Kenyan freedom fighter Dedan Kimathi Waciuri in an event organised by Kamukunji Youth Congress in Nairobi, Kenya - Tuesday 25 May 2021
Farshaxaniiste u dhashay Kenya oo Nairobi ku sawirrada ninkii xuriyadda u dagaallamay Dedan Kimathi Waciuri, Talaadadii oo ahayd Maalinta Afrika.
A member of the uMkhonto we Sizwe Military Veterans Association (MKMVA), in a face mask, stands next to a stage moments before former South African President Jacob Zuma addresses his supporters in Pietermaritzburg, South Africa - Wednesday 26 May 2021
Nin taageero u ah Jacob Zuma oo xirtay gafuur-xir la yaab leh, xilli uu madaxweynihii hore ee South Afrika, uu beeniyay in uu galay dembi. Arbacadii ayey Maxkamad bilowday dhageysiga dacwadda ku saabsan musuqmaasuqa.
Luna Solomon pointing an air rifle in Lausanne, Switzerland - Sunday 23 May 2021
Luna Solomon, oo ka soo jeeda dalka Eritrea, oo shiishka ku baraneysay dalka Switzerland, waxayna rajeyneysaa in ay ka qeybgasho tartanka 10m ee shiishka, iyadoo qeyb ka ah Kooxda Qaxootiga ee ciyaaraha Olympic.
A man leading two camels along a beach in Sousse, Tunisia - Saturday 22 May 2021
Nin geel ku soo dhoweynaya dalxiiseyaasha dib ugu noqonaya xeebta Sousse ee dalka Tunisia.
Odixco F Gongoar, owner of God Bless Bicycle Repair Center, repairs a bicycle as a trainee looks on in Paynesville, Liberia - Monday 24 May 2021
Nin Kireeya baaskiillada oo ku sugan duleedka Monrovia, caasimadda Liberia, oo uu dul tagan yahay wiil yar oo ka mid ah macaamiishiisa – Waa Isniintii saiwrkan.
Men fishing off a boat on the River Niger in Bamako, Mali - Tuesday 25 May 2021
laba nin oo ka kalluumeysaneysa Webiga Niger, waxaana u muuqda caasimadda dalka Mali ee Bamako, Waxay ahayd Talaadadii xilli gabal-dhac ah
Nigeria's ex-President Goodluck Jonathan wearing a black hat and face mask talking on a phone in Bamako, Mali - Wednesday 26 May 2021
Madaxweynihii hore ee Nigeria, Goodluck Jonathan, oo booqanaya magaalada Bamako ee Mali, wuxuu aad isugu deyayaa in uu dhexdhexaadin ka sameeyo sidii loo sii deyn lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Mali. Waxaa la xiray ka dib afgembigii labaad ee dalkaas ka dhaca, sagaal bilood gudahood.
Residents of the Gauraka community of Niger State built a bonfire on the Kaduna-Abuja highway near Abuja, Nigeria - Monday 24 May 2021
FKa dib jahwareerka ay la kulmeen shacabka Nigeria, waxay dibad bax ka dhigeen magaalada Abuja, waxayna ka soo horjeedaan afduubka dalkaas saameynta ku yeeshay…

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this