Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeyay Doorashooyinka Somaliland Oo Berri Bilaabanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa deeganada Somaliland 24 saac kadib ka bilaabmaya doorashooyinka golaha wakiilada Somaliland oo mudda dheer kadib ka dhacaya deeganada maamulkaas.

In ka badan hal milyan oo qof ayaa lagu wadaa in ay goobaha cod bixinta ay u dareeraan , doorashooyinka golaha wakiilada ayaana sanadihi la soo dhafay dib u dhacayay .

Guddiga doorashooyinka oo ku jira diyaar garowgoodii ugu dambeyay ee doorashada beri subax ayaa shaaciyay in 2,709 goobood ay dad weynahu ka codeyn doonaan kuwaas oo ku yaalla deeganada Somaliland .

552 musharax ayaa u tartamaya doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland halka 246 Musharax ay u taagan yihiin qabashada golaha wakiilada Somaliland .

Doorashada ayaana ka qabsoomi doonta 23 degmo oo ka tirsan deegaanada Somaliland .

Dowladda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Twain ayaa Somaliland ka garab siineysa qabashada doorashada.

Goobjoog News 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this