Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Hal arrin oo Guudlaawe ka hor-taagan in uu heshiis la gaaro beesha Xawaadle

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa sheegay in Madaxweynaha HirShabeelle uu dhowr jeer isku dayay in uu la heshiiyo Beesha Xawaadle oo diidan maamulkiisa laakiin uu la kulmay caqabad ilaa hadda taagan. 

Xubnahaan ka tirsan xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed uu dalbaday in looga dambeeyo beesha uu kasoo jeedo ee Xawaadle islamarkaana uu awoodi waayay in uu wada-hadal lafuro. 

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa diiday in la dhinac maro oo ay Xawaadle qof kala hadasho arrimaha HirShabeelle, taasoo ku tilmaamay in ay meel ka dhac ku tahay matalaaddiisa. 

“Wax badan ayaa isku daynay laakin Madaxweyne ku xigeenka ayaa yiri yaan la ii gadaal marin basle waxba kama keenin in toos Madaxweynaha ula xariirana waa diidyay,” ayuu yiri la-taliye sare oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha oo la hadlay Caasimada Online. 

Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo Madaxweyne ah muddo ka badan lix bil ayaa ilaa hadda wajahaya diidmo xoog leh oo kaga imaanaya beesha Xawaadle oo kamid ah beelaha ugu tunka weyn HirShabeelle.

Beeshan ayaa diiday doorashadii uu kusoo baxay Guudlaawe, ayada oo ku dooday in heshiiskii lagu dhisay HirShabelle uu ahaa inay leeyihiin madaxweynaha, halka beesha Guudlaawe ay leedahay caasimadda, inkasta oo kuwa arrintan diidan ay sheegeen in heshiiskaas uu ahaa hal muddo xileed, oo aanu aheyn weligiis.

The post Xog: Hal arrin oo Guudlaawe ka hor-taagan in uu heshiis la gaaro beesha Xawaadle appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this