Sign in to follow this  
Deeq A.

Goormuu soo gabagaboobayaa shirka Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo afar maalmood ka socday Muqdisho ayaa la filayaa in la soo xiro maalinta khamiista ee soo socota.

Afhayeenka Xukuumadda Federaaka Soomaaliya Ibraahim Macallimow oo galabta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inuu heer gabagabo ah marayo dhameystirka qodobadii la isku khaliifsanaa ee shirarkii hore fashiliyay.

Macallimow wuxuu tilmaamay in maalinta Khamiista la sameyn doono xaflad weyn oo lagu iclaamin doono heshiiska ka soo baxa shirka.

Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST


The post Goormuu soo gabagaboobayaa shirka Muqdisho? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this