Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog:Faahfaahino & Cadaymo Muujiyey Qaabkii loo khaarajiyey Ganacsade Somali-Maraykana oo lagu dilay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   
 Xog:Faahfaahino & Cadaymo Muujiyey Qaabkii loo dilay Ganacsade Somali-Maraykana oo lagu dilay Nairobi
.

BASHIIR MAXAMUUD

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysaa baaritaanno lagu sameeyay meydka ganacsade Bashir Maxamed Gaboobe oo dhawaan meydkiisa laga helay goob duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee dalka Kenya.

Warbaahinta Kenya ayaa siyaasabo kala duwan uga hadashay dhacdadan, taas oo weli aanan gunteeda loo dhicin, lana helin raad rasmi ah oo muujinaya ciddii ka dambeysay dilka ganacsadaha.

Baaritaano la sameeyay ayaa muujinaya in ganacsadaha la jirdilay ka hor inta aanan la ceejin. Ma jiraan wax rasaas ah oo jirkiisa ka muuqata, waxaase jira garaafooyin u eg in dhulka lagu jiiday.

Waxaana baaritaanka meydka marxuumka ku sameeyay madaxa dowladda Kenya u qaabilsan baaritaanada meydadka.

Waxay muujinayaan in la jirdilay isla markaana meydkiisa lagu tuuray webiga Nyamidi ee mara maamulka Kirinyaga.

Qareenka u doodayo marxuumka ayaa sheegay in baaritaanada lagu ogaaday in jirkiisa uu u muuqday mid la gubay, dhaawacna uu kaga yaallay isha isla markaana ay u muuqato in bir lagu garaacay.

Qareenka ayaa sidoo kale sheegay in dhaawaca gubasho ah uu ka muuqday meydka ay ugu wacan tahay in toos loo gubay ama koronto lagu dhajiyay.

“Waxaan rajeyneynaa in baaritaanno sax ah la sameeyo si dadkii ka dambeeyay dilkiisa caddaaladda loo horkeeno” ayuu yiri Charles Madowo oo ah qareenka u doodayo qoyska marxuumka, sida uu ku warramay Nation.

 

Wargeyska Daily Nation, oo soo xiganayo xubno ka tirsan qoyska ayaa sheegay in FBI-da aysan si toos ah faraha ula soo geli karin baaritaanada meydka maadama arrinta ay ka dhacday gudaha Kenya oo ay baarayaan laamaha dambi baarista dalkaas.

Marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka, wuxuu madax ka ahaa shirkad gacansi oo ka shaqaysa dhismaha, wuxuuna mashaariic waaweyn ka fuliyay Kenya iyo Soomaaliya.

Bashiir wuxuu shahaadada labaad ee injineernimada ka qaatay jaamacadda Wrights University ee Dayton, dalka Mareykanka. Wuxuu in muddo ah la soo shaqeeyay shirkadda Boeing ee sameysay diyaaradaha.

Aaska Maydka

Boqolaal qof oo mas’uuliyiin dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ka midyihiin ayaa shalay ka qeybgalay aaska marxuumka, iyada oo janaasada lagula tukaday masaajidka Salaam ee xaafadda South C, halka lagu aasay qabuuraha Langata.

Dadkii ka qeybgalay oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay geerida, waxayna walaac ka muujiyeen dilka arxan darada ah ee loo geystay Bashiir.

Soomaalida Nairobi degen oo u badan ganacsato haysta jinsiyo kala duwan ayaa maalgeshi xoog leh ka sameeyay gudaha Kenya, dilka Bashiirna wuxuu u yahay dareen dhiilo leh.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this