Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga UCID oo soo Bandhigay Cududa Taageerayaashiisa Gobollada & Degmooyinka Dalka+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga UCID oo soo Bandhigay Cududa Taageerayaashiisa Gobollada & Degmooyinka Dalka+Sawirro

189265007_1415360018864272_7825225250578

Xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo ay maanta ahayd maalintiisi koowaad ee uu u lahaa kaltanka ololaha doorashada goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa isu soo baxyo la xidhiidha ololaha doorashada ka sameeyay guud ahaan gobollada dalka.

189060331_1415359938864280_7073673544675 189265007_1415360018864272_7825225250578 187041028_1415360242197583_2680326724221 188888690_1415360468864227_8996035425964 189633980_1415360795530861_5317436458327

Gobollada kale ee xisbiga mucaaridka ee UCID taageerayaashiisu ay dhoola tuska ololaha doorashada isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka waxa ka mid ahaa Togdheer, Maroodi jeex, Awdal, Sanaag, iyo Sool.

188292562_1415360898864184_2694359415827

Taageerayaasha xisbiga UCID ayaa isku soo baxyo ay ku muujinayaan taageradooda ay u hayaan musharaxiinta xisbigaasi uga sharaxan doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka ka dhigay gobollada dalka, iyagoo ku dhawaaqayay halkudhigyo ay ku taagerayaan xisbigaasi.

190896982_1415361062197501_4117428127239

Waxa taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee UCID kula hadlay xafiisyada ay ku leeyihiin gobolada iyo degmooyinka dalka musharaxiinta u taagan doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, iyagoo ka dalbaday inay codkooda siiyaan maalinta 31-ka may.

189060331_1415359938864280_7073673544675

Geesta Kale Xisbiga Ucid ayaa ololaha doorashadda golayaasha deegaanka iyo Wakiilladda ku qabtay Magaalooyinka Saylac, Gebilay, Balli Gubadle, Sallaxley,Oodweyne, Caynaba, Ceel afweyne iyo badiba magaalooyinka dalka waxaana Taageerayaasha Xisbiga Ucid la hadlay Murashixiinta golayaasha deegaanka iyo wakiillada oo ka waramay qorshayaasha ay ku horumarinayaan magaalooyinka ay ku tartamayaan iyo sida ay wax uga bedelayaan gollaha wakiilladda.

Murashixiinta ayaa ka dalbaday dadweynaha Somaliland iyo Taageerayaashoodu inay Codkooda siiyaan 31 May oo ah Maalinta ay dhacayso doorashadda isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo wakiillada iyagoo balanqaaday inay si daacadnimo iyo waddaninimo leh ugu adeegi doonaan dalkooda iyo dadkooda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this