Deeq A. Posted May 22, 2021 Xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxa haatan ka furmay shirka arrimaha doorashooyinka, ee u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, oo uu weheliyo gobolka Banaadir. Shirka waxa guddoominaya ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qayb-gelaya dhammaan madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Shirka waxa ka maqan madaxweynaha dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu hore u sheegay in uu hoggaaminta arrimaha doorashooyinka ku wareejiyay ra’iisul wasaare Rooble. PUNTLAND POST The post Shirka Arrimaha doorashooyinka oo Muqdisho ka furmay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites