Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharrax Xasan Ogaal Oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Degaamo Ka Tirsan Gobolka Saaxil

Recommended Posts

Deeq A.   
Musharrax Xasan Cumar Xasan (Ogaal)oo kamid ah Musharraxiinta Xisbiga WADDANI ee Golaha Wakiillada ee Gobolka Saaxil iyo wefti uu hoggaaminayey ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaano ka tirsan Gobolkaas,

Musharrax Xasan Ogaal iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Degaanadda Ina Caddamay,Biyo Fadhiisinka, Deri Maraa, Isku Dar, Ugaas Madow iyo Degmadda Go’da weyn iyo degaano kale ,waxaanay u ballan qaadeen dadka degaamaddaas in ay taageersan yihiin musharraxnimadiisa, isla markaana ay diyaar u yihiin inay codkooda siiyaan 31,May 2021-ka oo ah maalinta ay doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha degaanka ay dalka ka dhacayaan, taas oo ay ka hadhsan yihiin hadda maal-mo koobani.

Dhanka kalene Musharrax Xasan Cumar Xasan (Ogaal )ayaa dhankiisa ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyey degaanaddaa,waxaanu ku booriyey in loo baahan yahay inay u diyaar garoobaan doorashooyinkaa ay maal-muhu ka hadheen wakhtigoodii,isagoo  ku dar-daaray codbixiyayaashu inay ilaashadaan kaadhadhkooda cod-bixinta,waxaanu dhankiisa bulshada deegaanada uu soo maray u ballan qaaday in uu baahidooda ka turjumi doono oo uu noqon doonna mid si dhab ah u metela.

Gunaanadkii Musharrax Xasan Ogaal ayaa intii uu socdaalkiisa ku gudda jiray waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Odayaasha, wax-garadka, Dhallinyarta iyo haweenka,bulshada deegaanadaas uu soo maray,kuwaas oo ku soo dhammaaday jawigii loogu tallogalay iyo in ay codka siyaan 31 May astaanta WANKA WADDANI,taas oo ah astaanka gaarka ah ee Musharrax Golaha Wakiillada ee Gobolka Saaxil ee Xasan Cumar Xasan “Ogaal “

May be an image of 11 people, people standing, people sitting and outdoorsMay be an image of 5 people, people standing and outdoorsMay be an image of 5 people, people standing, sky and grassMay be an image of 6 people, including Hassan Ogaal, people sitting and text that says 'HODA re ra 4447796'May be an image of outdoorsMay be an image of 9 people, people standing and outdoorsMay be an image of Xasan Faarax Qamaan, standing, grass and treeMay be an image of 6 people, including Hassan Ogaal, people standing and outdoorsMay be an image of 4 people, including Hassan Ogaal, people standing and outdoorsMay be an image of 7 people, people standing, people sitting, tree and outdoorsMay be an image of 6 people, including Hassan Ogaal, people standing and outdoors

May be an image of outdoors

May be an image of 11 people, people standing, people sitting and outdoors

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this