Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi: Shaqaalaha dawladda iyo ciidamada waa ka mamnuuc siyaasadda

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1621512398497.jpg?resize=720%2C38Shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu mamnuuc ka yihiin siyaasadda, xukuumadiisuna ay arrintaas fulinayso.

“Shaqaalaha dawladdu hadduu ciidan yahay iyo hadduu shaqaale dawladeed yahay siyaasadda wuu ka reebban yahay, waana u dhex oo shaqadii qarankuu wadaa, sharcigaana sidaas ina faraya, waana aynnu ku dhaqmaynaa,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi Cabdi ayaa hadalkan ka jeediyay shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda Somaliland oo looga hadlayay diyaargarowga iyo hirgelinta doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan 31-ka bishan May 2021.

Dhanka kale Muuse Biixi ayaa sheegay in ay hawlgeliyeen 11,000 askari oo ammaankooda sugaya 2,800 goobood oo ay ka dhacayaan doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka Somaliland.

Hoos ka daawo Muuse Biixi oo arrimahaas iyo kuwo kale ka hadlaya.

PUNTLAND POST

The post Muuse Biixi: Shaqaalaha dawladda iyo ciidamada waa ka mamnuuc siyaasadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this