Sign in to follow this  
Deeq A.

Macallimow: Shirka Muqdisho maanta ayuu furmayaa wax dib u dhac ah ma jiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Af-hayeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimow, oo wareysi siiyy BBC-da, ayaa ka faahfaahin ka bixiyay shirka arrimaha doorashooyinka oo lagu wado in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.

Af-hayeenka ayaa xaqiijiyay in shirku uu wakhtigiisa ku furmi doono, islamarkaana qaar kamid ah mas’uuliyiinta ka qayb-galaysa ay durba gaareen magaalada Muqdisho, halka kuwa harsana ay maanta gaari doonaan.

Insha allah haddii uu eebe idmo maanta wuu furmayaa shirka 20 May lagu ballamay, maqribadii waxaa yimid madaxwaynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay,” ayuu yiri Macallimow.

Sidoo kale, wuxu sheegay in maanta gelinka hore ay Muqdisho soo gaarayaan madaxweynayaasha Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, halka madaxweynaha Hirshabeelle uu hal maalin diba uga dhacay shirka.

Sidoo kale galinka hore ee saaka waxaa la filayaa inay magaalada yimaadaan madaxwaynayaasha Jubaland, Koonfur Galbeed soomaaliya iyo madaxwayne Saciid Cabdulahi Dani,”ayuu intaa ku daray.

PUNTLAND POST

The post Macallimow: Shirka Muqdisho maanta ayuu furmayaa wax dib u dhac ah ma jiro appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this