Sign in to follow this  
Deeq A.

 Barnaamij “New App” ku siinaya Fursad aad qof kale noloshiisa ku hagi karto ama ku badbaadin karto?

Recommended Posts

Deeq A.   

 Barnaamij “New App” ku siinaya Fursad aad qof kale noloshiisa ku hagi karto ama ku badbaadin karto?

Brandon Wong

Sidee dareemi lahayd hadaad awood u yeelato inaad hagto nolosha qof kale? Barnaamijkan cusub ayaa fursadaas ku siinaya.

Markii Brandon Wong, oo qoraa ah ay dhowaan ku adkaatay inuu go’aansado nooca cabitaanka uu dalbanaayo ayaa wuxuu taageerayaashiisa isticmaala barnaamijka NewNew ka codsaday inay dalabka u sameeyaan.

Kuwa doonayay inay ka qayb qaatan ayaa bixiyay $ 5 doollar si ay u codeeyaan , balse dadkii ugu badanna ayaa kula taliyay inuu dalbado cunnooyinka Kuuriya, sidaas ayuuna ku iibsaday.

“Waxaan kala dooran waayay cuntada Shiinaha iyo Kuuriya, sidaas darteed waxaa go’aankaas iga caawiyay tageerayaashayda,” ayuu yiri Mr Wong, oo ku nool magaalada Edmonton, Canada Waxaan sidoo kale adeegsaday barnaamijka NewNew si aan u go’aansado dharka aan xiranaayo maalintaas, iyo waxyaabo kale oo badan .

“Waxaan ku soo biiray barnaamijkan bishii Maarso, ilaa afar jeer ayaan isbuucii isticmaala, ku dhowaad 1,700 oo qof ayaa ilaa hadda ka codeeyay cinwaankayga.

Barnaamijka NewNew ayaa waxa aasaasay ganacsato fadhigeeda yahay magaalada Los Angeles ee dalka Maraykanka, App-ka ayaa weli si rasmi ah u shaqa gelin, Courtne Smith ayaa barnaamijkan ku tilmaamtay “suuqa saamiyada aadanaha oo aad ka iibsato saamiyada nolosha dadka dhabta ah, si aad u maamusho go’aanadooda una daawato natiijada”.

 

Courtne Smith

In badan oo naga mid ah waxa laga yaaba inay layaaban yihiin barnaamijkan, balse dhab ahaan way ka cabsi yar tahay sida loo malaynaayo. Waxaa loogu talagalay waxa ay ugu yeertay “aasaas” qorayaasha, farshaxanistayaasha muusikiistayaasha, nashqadeeyayaasha iwm.

Waxaa loo qaabeeyey hab ay si dhow ugu xirnaan karaan taageerayaashooda ama kuwa raacsan marka loo eego adeegyada kale ee baraha bulshada iyo muhiimadda ugu weyn oo ah inay lacag ka helaan isku xirkaas.

Mr Wong, oo ah qoraa ayaa sheegay inuu isticmaalay App-ka NewNew, isaga oo taageerayaashiisa ka dalbaday inay u codeeyaan mowduuca xiga ee uu wax ka qori karo.

Marka kasta oo uu qofka dalbado barnaamijka codaynta wuxuu helayaa lacag.

Barnaamijka NewNew

Marka loo eego barnaamijyada kale ee sidaan u shaqeeya ayaa NewNew waxay uga duwantahay qof walba oo codeeya waa inuu lacag bixiyaa, marka waxaa la dhihi karaa waa App nooca aan weli la arag.

Balse NewNew oo la hirgeliyay muddo laba bilood ka hor ayaa kaliye waxa hadda isticmaala dad gaaraya ilaa boqol qof oo caan ah.

Courtne Smith

“Barnaamijka NewNew wuxuu leeyahay laba faa’iido,” ayey tiri Ms Smith. Shan doollar waxa laga yaaba inay tahay lacag yar balse adiga oo waqti fiican taageerayaashada la qaadanayo ayaad hadana lacag helaysaa.

Will Smith

Ms Smith waxay barnaamijkan ka shaqaynaysay labadii sano ee la soo dhaafay, Fikradaan ayaa laga soo guuriyay App kale oo ay horay u samaysay.

Ka hor inta aysan ganacsato noqonin waxay muddo toban sano ah la shaqaynaysay fanaanka u dhashay dalka Canada Drake, waxayna qayb ka noqotay kooxda maamulkiisa. Labadaba hadda waa saaxiibo isku dhow waxayna sheegtay in Drake uu la socday barnaamika NewNew.

Drake

Khabiir dhanka ganacsiga Stuart Duff, oo qayb ka ah shirkadda UK ee Pearn Kandola, ayaa sheegay in NewNew ay u muuqato madadaalo, ayna tahay in “ay abuuraan xiriiro gaar ah oo u dhexeeya shaqsiyaada caanka ah iyo kuwa ku xiran”.

Afhayeen u hadlay NewNew ayaa sheegtay in shirkaddu “ay xaq u leedahay inay gebi ahaanba meesha ka saarto oo ay mamnuucdo qof kasta iyo waxyaabaha ku jira haddii ay ka hor yimaadaan tilmaamaha iyo shuruucda barnaamijka”.

Waxay intaas ku dartay: “Badbaadada dadka ku jira APP-KA oo dhan ayaa ah muhiimadda koowaad. Shirkaddu waxay dib u eegis ku samaysaa dhammaan waxyaabaha lagu baahiyo iyo iyada oo loo marayo AI, sii aan loo baahinin wixii aan habboonayn.

André Patrick

André Patrick, waa 34-jir ku nool magaalada Toronto, wuxuu isticmaala App-kaa NewNew. Wuxuu sheegay inuu markii hore ugu soo biiray si uu uga falceliyo muuqaal uu soo dhigay shaqsi uu taageersanaa.

“NewNew waa hab cusub oo qofka aad taageersantahay ugu dhawaan kartid, waxayna muujineysaa dabeecadda kale ee aadan qofka ka aqoonin,” ayuu yiri.

Marka App-ka NewNew ma noqon karaa waxa ugu weyn ee soo socda ee dhanka baraha bulshada? Kummanaan ama xitaa malaayiin naga mid ah ma bilaabi doonaan inay u codeeyaan waxa qoraaga ama muusikiistaha casho u dalban karo?

Diyaar ayaan u ahay inaan go’aankaas kaa caawiyo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this